Dr. Fuje "Kiisaska Covid-19 ee G/Banaadir Hos ayuu u dhacay, Balse Cudurka weli ma dhamaan"

0
Friday May 15, 2020 - 16:29:51 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Fuje "Kiisaska Covid-19 ee G/Banaadir Hos ayuu u dhacay, Balse Cudurka weli ma dhamaan"

    Tala-bixiyaha Covid-19 Xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Dr Fuje) ayaa sheegay in kiisaska cudurka Coronavirus ee Gobolka Banaadir uu hoos u dhacay Saacadihii lasoo dhaafay. Waxa uu tilmaamay in aysan taasi ka dhigneen in c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tala-bixiyaha Covid-19 Xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Dr Fuje) ayaa sheegay in kiisaska cudurka Coronavirus ee Gobolka Banaadir uu hoos u dhacay Saacadihii lasoo dhaafay. Waxa uu tilmaamay in aysan taasi ka dhigneen in cudurka uu ka dhammaaday Gobolka Banaadir, balse xaaladaha sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo ayuu sheegay in hoos u dhac ku yimid. Faafitaanka cudurka waxa uu sabab ugu dhigay in badi dadka aysan qaadan talooyinka caafimaad iyo taxadarka looga hortagayo, taasina ay meesha ka saareyso Xakameynta xannuunka. "Dadka ugu badan ee laga diiwaangeliyo Cudurka waa dhalinyaro, marwaliba waxa aan leenahay ku baraaruga badbaadinta dadka da'da ah ee la nool xannuunada Macaanka (Sokorta) iyo dhiig-karka oo ah kuwa ugu nugul ee cudrku dilayo" ayuu yiri Dr. Fuje. Dhalinyarada kunool Caasimadda ayuu sheegay in aan kaliya laga dooneen kahor tagga faafidda cudurka Coronavirus, balse guud ahaan dhalinayrada kunool Guud ahaan dalka in laga doonayo sidii loosoo afjari lahaa xannuunka. "Halka qof waxa uu u gudbin karaa Saddex ruux ama ka badan, waa in iyada oo arrintaas laga duulayo ay sameeyeen dhalinyarada ol-ole ay ku muujinayaan rabitaankooda lagu soo afjarayo cudurka dilaaga ah ee Covid-19" ayuu sii raaciyay Dr. Fuje. Xaaladaha laga helay dalka Tirada Guud waa 1,284, waxaa dhintay 53-ruux, halka ay ka caafimaadeen 135-kale, sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur. Xaaladaha ugu badan waxaa laga helay Gobolka Banaadir, waxaana si maalilnle ah diiwaanka Bukaanada cusus, dhimashada iyo kuwa caafimaaday laga soo gudbiyaa Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

      



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip