Been + Been + Been = Fashaxaar.

0
Thursday May 14, 2020 - 07:14:30 in Wararka by
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Been + Been + Been = Fashaxaar.

    1.Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii ayaa yiri: Dastuurkaanu ma jiro, kii Runta ahaa waa la xaday. 2.kii Beenta ahaa laftiisana laguma dhaqmo. 3. Ficliyan ma jiraan Labada Aqal. Haddii ey jiri lahaayeena Xaq uma leh in ey ka hadlaan dhismaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii ayaa yiri: Dastuurkaanu ma jiro, kii Runta ahaa waa la xaday. 2.kii Beenta ahaa laftiisana laguma dhaqmo. 3. Ficliyan ma jiraan Labada Aqal. Haddii ey jiri lahaayeena Xaq uma leh in ey ka hadlaan dhismaha Maamulka Gobalka Banaadir. Waxa ey ka hadli karaan Maqaamka oo ka dambeeyo dhismaha Maamulka. 4. Waxaa Dadka la isaga khalday, Maqaamka Muqadishu iyo Maamulka Mogadishu . Waana Laba aan isku mid aheeyn. Maamul Magaalo waxaa dhista Dadka Magaalada, Magaalo aan maamul laheeyni yeey kala hadlee Maqaamkeeda ? Sharciyan, marka hore waa in Magaalada Dadkeedu ey Maamul dhistaan, kadibna Maamulkaa ey dhisteen uu Dowlada dhexe kala hadlaan Maqaamka ey ku wada shaqeeynayaan Maamulkaa Dadku dhistay iyo Dowlada dhexe, Sida Magaalooyinka kaleba ey Dadkoodu u dhismaan Maamul Magaalo, kadibna ey ula macaamilaan Dowlada dhexe.


5. Dad aan xaqba u leheeyn in ey ka hadlaan mustaqbalka Magaalada ayaa yiri: Maqaamka Magaalada, ayaa loogu codeeynaa Face Book- FB. waxaana u codeey karo inta FB leh , kuwaas FB lihi ma wada yihiin Dadkii xaqa u lahaay Codeeynta, Qof kasta oo FB leh ma yahay Somali, FB waxaa ku soo codeey karo, Dadka Reer Naageeriya, Kenya, Garmal, Kukuyu, Oromo. Maxaa lagu Cadeeynaa in eyna somali aheeyn hadiiba ey FB leeyihiin, tan kale, Qof ayaa leh hal FB ka badan.

6. Ogoow Magaalo Xaqeeda kuma weyn karto Caasimad ayaad tahay, Dunidana kuma taal Taako dhul ah oo aan Dad leheeyn. Caasimadu waa xarun Dowlada dhexe ku shaqeeyso,waxa eyna ku leedahay xafiisyadeeda oo kaliya, sida horeba Baydhabo iyo Jowharba ey u noqdeen Caasimado ku meel gaar ah, Berrina Magaalo kale oo Somaliyeed ayaa noqon karto Caasimad, waana hadba halkii loo garto.

7.Markii horeba in ey Caasimad noqoto Mogadishu waxaa ku heshiiyay isticmaarkii Talyaaniga iyo Qabiiladii deegaanka, kadibna 1960 ayaa Somalidu tiri: ha iska sii ahaato Caasimad, muddo aan la cayimin, waana laga bedeli karaa.

8.waxaa maalmahaan Baraha bulshada lagu soo qorayay: waxaa loo codeeynaa.a) Degmo Caasimad ah. b) Caasimad D/Gobaleed. Labada waxa looga jeedo Dadka looma sharixin, lamana fahamsano waxa looga jeedo, kan soo qorayna ma fahamsano.

wax aan Sharci aheeyn oo aan Caqliga suubanni ogoleeyn oo aan soconeeyn oo jajuub iyo jaha wareerin ah yaan Dadka lagu mashquulin oo yaan Berri koow laga soo bilaabin. waa iga Talo.

Fashaxaar+ Fashaxaar+Fashaxaar= maxeey noqonee ?

FG: wixii ka khaldan ka sax,wixii ka dhimanna ku dar.

Qore : Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip