TAARIIKH NOLOLEEDKII QORAA SARE AWEYS XUSEEN XSAN {A.SHIINO} OO KOOBAN

0
Tuesday May 05, 2020 - 14:56:59 in Wararka by
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKH NOLOLEEDKII QORAA SARE AWEYS XUSEEN XSAN {A.SHIINO} OO KOOBAN

    Maamulka Wargeyska Mogadishu Times ayaa warbixin gaaban kooban ka qoray taariikh Nololeedkiis howleed ee xilliyada kala duw an ee wax qabadka Marxuum Aweys Xuseen Xasan.{A.shino} aya sida tan Marxuum Aways Xuseen Xasan (Aways Shiino) waxa uu ku dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Wargeyska Mogadishu Times ayaa warbixin gaaban kooban ka qoray taariikh Nololeedkiis howleed ee xilliyada kala duw an ee wax qabadka Marxuum Aweys Xuseen Xasan.{A.shino} aya sida tan Marxuum Aways Xuseen Xasan (Aways Shiino) waxa uu ku dhashay M/Muqdisho sannadkii 1955-tii, waxa uu waxb arashadiisa Dugsiga hoose,dhexe iyo sare ku qaatay Xamar, waxuuna jamacadiisa ku soo qaatay Dalka Syria halka dalalka kalena Sida Lubnaan iyo kuwakale uu aqoon korosi u tagay xilliyo kala duwan ,

Qoraa sare Marxuum Aweys Xuseen Xasan {A.Shiino} ayaa ku geerida M/Muqdisho Shalay.

Haddaba Ugu Horeyn Maamulka ayaa ka Tacsideynaya Geerida Naxdinta leh ee ku timid Aweys Shino waxay Tacsi u dirayaan ehelada iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Qoraa Aweys Shiino, Alle haka waraabiyo Jannadii Far dowl Waxana uu ka mid ahaa qorayaasha waaweyn ee ka soo howlgalay wargeysyo badan, waxaana uu hore u ah aa qoraa Sare ee dhinyacada dhcdooyinka caalamka iyo sheekooyinka Jaceylka Taxanaha ahaa, iyo Aqbaaradka caalmkaisagoo dhinaca carbaiga kaga turjumi jiray ku soo sari jiray wargeysyada ka soo baxa dalka soomaaliya xigii hore iyo xilaga burbudkaba.

Maamulka Wargeyska Mogadishu times ayaa sheegay in Aweys Shiino Ale Ha U Naxariistee uu ahaa shaqaale ka soo howlgalay Wasaaradda Boosatada iyo isgaariista Dalka Soomaaliya, wuxuuka ahaa u qyebsanaha qeyabaha Carata isagoo Safarro badan uu ku kala bixiyey oo isugu jiro kuwa shaqo iyo kuwa aqoonkorosiba dalka Cu mmaan, suuriya iyo kuwa kale waxaana lagu xusuusan doonaa insha allaah Qoraallo dhinaca Caalamka Carabta, sheekoooyinka Wargeyskyada uu ku Qoqray waa Xiddigta Oktoobar iyo Wargeyska DALKA iyo kuwi kale waxaa ka mid ahaa qoraaladiisa dhinaca Maqaalaadka Dhaadheer iyo sheekooyinka taxana ahaa iyo waliba Aqbaaraadka Caalamka sida SHEEKADII BAYER N.8 oo Jaceyl aheyd isagoo kuna qori jiray Wargeyska Xiddigta Oktoobar sanadkadii 1980-yadii,sheekadii sidoo kale qoraal sheeko aad loo jaclaa magaceeduna ahaa {MAXAA LOO DILAY uu ku qo ri jiray Wargeyska DALKA sidoo kaleSheekadii JAMAAKA ee uu Wargeyska M.Times ku qoray Cadadkii 1aad ee WargeyskaM.Times Daily NewsPaper taaso taxane aheyd sidoo kale wargeys Wargesyo badan ayuu Qoraa Sare Aweys Shiino uu wax kuQori jiray,waxaan ka mid ahaa sheekadii BASAASKA EE {ISHA GUUGUULAHA} kuna soo bixi jirtay Wargeyka Xiddigta Banaadir ee M/Muqdisho kaa soo 3 Jeer Usbuucii ka soo bixi jiray uu Maalin ku lhaa taasoo dadka si weyn ugu taxnaan jireen

Inta badan wargeyskada ka soo bixijiray M/ Muqdisho ayuu ka soo qeyb qaatay howlaha soo saarista iyo wax u qabashada dhanka wararka siyaasadda, arrimaha diinta, iyo walibanasheekooyInaba.

alle ha u Naxariistee Aweys Shiino waxaa ahaa Ruug Caddaa Saxaafadeed oo wax weyn u soo taray Bahda Saxaafadda gaar ahaan qeyabaha wargeyskada Dalkeenna isagoo walibana saacidi jiray idaacadaha ka hana qaaday dalka oo uu ugu turjumi jiray aqbaaraadka caalmka ee dhinaca luuqadda carabiga.

Waxaan dhi lahaa dadaal badan oo aanay iloobi doonin bahda Saxaafadda Madaxabannaan iyo midda Qarankaba ayuu qeyb ka ahaa Marxuum Aweys xuseen Xasan A.Shiino} alle ha u naxariistee wuxuuna qeyb ka ahaa Aas-aasayaashii Wargeyska Mogadishu Times talo iyo tusaalena siiyey suxuufiyiinta da’yarta ahyed ee dalka ka nahaqaaday waxaana alle ha u Naxariistee kaga Tacsiadeynaynaa haddaanu nahay bahda Wargeyska Mogadishu Times iyo ku taxanayaashiisaba oo aan maamul iyo howadeennadana u kala harin Geerida Naxdin Laheyd ee ku Timd Walaalkeen Saaxiibkeenna shaqo Aweys Xuseen Xasan Aweys Shiino {A.Shiino} .

Waxaana na soo gaartay inuu Beryahaan la soo dersay Xanuunka dhanka Cudurka Sonkorta ah sida aan maqlay waxaana leenahay ma dhinte waa ilaahey dhammaan Asxsaabta iyo Qoyska uu ka Geeryoday iyo guud ahaanba Bahda Saxaafadaa ugu Baryeynaa inuu samir iyo iimn saadaq ah ka siiyo Marxuumkana jannatu fardowso ugu bishaareeyo

AAIIM AAMIIN AAMIIN.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip