Somaliya Maxaa Dowlad kasta ey Dib ugu soo noqotaa, 60km ?=Nasashada Jimcaha. Q-198=.

0
Friday May 01, 2020 - 12:59:04 in Wararka by
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Maxaa Dowlad kasta ey Dib ugu soo noqotaa, 60km ?=Nasashada Jimcaha. Q-198=.

    1- Nin Dhakhtar ah ayaa Bukaan weydiiyay: Sigaarka ma cabtaa? Bukaankii ayaa yiri: Haa. Waxa uu yiri: Jaadkana? Waxa uu yiri: Haa. Dhakhtarkii ayaa yiri: Adigaa is dilay ee maxaa kuu dhiman oo ka daran oo aad sameeyn leheeyd . Bukaankii ayaa yiri: We

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Nin Dhakhtar ah ayaa Bukaan weydiiyay: Sigaarka ma cabtaa? Bukaankii ayaa yiri: Haa. Waxa uu yiri: Jaadkana? Waxa uu yiri: Haa. Dhakhtarkii ayaa yiri: Adigaa is dilay ee maxaa kuu dhiman oo ka daran oo aad sameeyn leheeyd . Bukaankii ayaa yiri: Weli Naag ma guursan. ( F.S: 1aad).

( Run miyaa in Haweenka qaar ay ka daran yihiin Sigaarka iyo Qaadka?)

2- Gabar Joogtay Magaalada Marko ayaa saaxiibkeed oo Xamar joogay ku yiri: Babe, ii imaad Jimcahaan Annigaad ii Casuuman tahay. Waxa ey ku tiri: Xabiibi , Hadda Bad xirankii ayaa lagu jiraa, Haddii Baddu furanto ayaan kuu imaanayaa. ( F.S: 2aad)

(Gabar marka joogto ha isku balamin xiliyada qaar, Aakhiru Samaan miyaa?. Marko oo aan looga bixi Karin Dhulka iyo Cirka. Alloow noo gargaar)

3- Gabar Dooni la qalibantay ayaa gaartay Xeebta Jaziirad aan cidi ku nooleeyn. Maddo kadib ayeey ogaatay in Jaziirada ugu dhaw ee Dad ku noolyahay ey u jirto 100km. waxa ey u dabaalatay dhinacii Jaziirada 60km, kadibna wey daashay, waxa ey go’aansatay in ey dib ugu soo dabaalato Jaziiradeedii hore. ( F.S: 3aad)

( Somaliya Maxaa Dowlad kasta ey Dib ugu soo noqotaa, 60km ?)

4-Sheeikh Dadka wacdinayay ayaa yiri: Bisha Ramadaan Sheeydaanka waaweyn waa la xir xiraa, waxaa Banaanka joogo kuwa yar yar oo kaliya. Wiil wariye ahaa ayaa farta taagay oo yiri: Shiikhoow Kuwa yar yar ayaa ka dhib badan. Shiikhii ayaa yiri: sideed ku ogaatay. Wiilkii ayaa yiri: CBB. ( F.S: 4aad)

5- Somaliya Markii ey Musiibooyinka iyo Geeridu badateen ayaa la bilaabay in warqadaha Cambaareynta iyo Tacsida la iska sii diyaariyo, kadibna la Buuxiyo meelaha Banaan laguna qoro,Taariikhda dhacdada iyo magaca kan loo tacsiyeeynayo. Shalay waxaa Barha Bulshada ku qornaa Masuul leh: waxaan cambaareeynayaa Fatahaada wabiga iyo Daadadkii ku soo Fatahay Magaalada Baardheere. (F.S: 5aad)

( Warqadha Musiibooyinka intaan la buuxin meelaha banana ha la iska sii aqriyo)

6- Dowladii uu Sh. Shariif Madaxweynaha ka ahaa ayaa Ra’iisul Wasaarihii waxa uu soo dhisay Gole Wasiiro oo u badan Qurba joog. Mid Wasiirada ka mid ahaa, waxa uu Wadanka ka maqnaa 40 Sanno, isaga oo 14 jir ahaa ayuu ka tagay, intii uu dibadda ku maqnaa, Qur’aan uu akhriyo iska daaye, weligii Salaad ma tukan.

Wasiirkii Shir ayuu ka qeyb galay, shirkii ayaa lagu furay aayada quraan( Suuradda Wal Casiri) markii wadaadkii uu dhameeyay Suuradii, ayaa Wasiirkii yiri: yaah, yaah, Walaahi, Wal casiri, waxba iskama bedelin, weli waa sideedii. Dadkii ayaa is fiir fiiriyay. ( F.S: 6aad)

( Hadda Qurbaha waxaa nooga yimid: kuwa leh, maxaa loogu dabaal dagi waayay 21 Oktobar, aaweeyn mirihii kacaankii?. Waa is faham la’aanta jirto, Dad aan la socon isbedelka dhacay, "waxaa ila haboon in Dadka Qurbaha aadka ugu daahay ee iyaga oo yar yar tagay, in loo furo Tababar sida kii Xalane oo kale ah oo 2 sanno ah, si loo fahamsiiyo waxa isbedelay Gadaashooda, Hadii kale, waxaad sugee, weli wal casiri, waa sideedii, waxba iskama bedelin ”).

Ramadaan Kariim.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip