Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo si xun lagula dhaqmay X/dhexe ee Xamar

0
Friday April 17, 2020 - 23:32:51 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo si xun lagula dhaqmay X/dhexe ee Xamar

    Wararka laga helayo Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegaya in Ciidamada Asluubta ee gacanta ku haya xabsigaasi, ay si xun ula dhaqmeen Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Agaasime Kuxigeenka ahna Tafaftiraha Radio Goobjoog ayaa maalintii Talaadada lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegaya in Ciidamada Asluubta ee gacanta ku haya xabsigaasi, ay si xun ula dhaqmeen Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Agaasime Kuxigeenka ahna Tafaftiraha Radio Goobjoog ayaa maalintii Talaadada lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan, ka dib markii la sheegay inay soo eedeysay Xeer Ilaalinta Qaranka. Wariyaha ayaa maalintii Arbacada loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo aynaan Maxkamadda Gobolka Banaadir dhageysan garmaqalka dacwadiisa, oo qareenadiisii ay gudbiyeen, waxaana dib loo dhigay maxkamadayntiisa illaa waqti aan la garanayn. Tallaabada Wariyaha loogu wareejiyay Xabsiga Dhexe ayaa khilaafsan shuruucda dalka. Sharciga ayaa dhigaya inaanan Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu xiri karin qof aynaan maxkamadi xukumin. Xabsiga waxaa lagu xiri karaa oo keliya dadka ay maxkamaduhu xukumaan.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ee Wariyuhu uu ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa la soo sheegaya in ay si khilafsan ula dhaqmeen Ciidamada Asluubta, ee uu Taliyuhu u yahay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wariye Cabdicasiis Gurbiye lagu xiray qolalka lagu xiro dadka dembiyada culus gaysta, sida dilalka oo kale, dil toogashana ku xukuman. Qolalkan oo kuwo aad u ciriiriya ayaa loo yaqaanaa (Sheelo Moorto).

Sidoo kale Sheelo Moorto ayaa in badan ka duwan qolalka kale ee Xabsiga Dhexe, iyadoo ay aad u ciriiri yihiin ayaa hadana lagu xiraa, tiro ka badan intii loogu talagalay.

Xaaladda caafimaadeed ee Wariyaha ayaa la soo sheegaya inaanay wanaagsanayn, waxayna tani walaac xoogan ku abuurtay eheladiisa iyo asxaabtiisaba.

Si dhab ah looma oga cidda soo eedeysay Wariyaha iyo waxa lagu haysataba, marka laga soo taggo in uu ku dhegan yahay Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaase jira warar sheegaya in amarka lagu xiray uu ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xariga Wariyaha iyo qaabka loola dhaqmayba ayaa xoojinaysa eedeymihii isa soo taraayay, ee in dhawaalaba loo jeedinayay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, lana xiriiray inay caburin xoog lihi ku hayso bahda Saxaafadda.

Sheelo Moorto

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) oo ka mida Abwaanada waaweyn ee Soomaaliyeed, oo tix ka tiriyay Sheelo Moorto waxay tudac ka mida oraneysaa:-

Sheelo-moorto waa tee


Miyey kuu sawirantahay
Naf sedkeedii buuxsamay?

Miyaad soor wadaagteen?
Xalay baan la seexdoo
Saakaa la dilayaa

Sagaalkii aroornimo
Sarsarkiisi baa maran
Waa Soobir gogoshii
Meeshuu ku seexdiyo
Sintii way bannaantahay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip