Soomaaliya oo codsatay in kaalmada la siiyo loo wareejiyo la tacaalidda xanuunka COVID-19

0
Friday April 17, 2020 - 23:28:14 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo codsatay in kaalmada la siiyo loo wareejiyo la tacaalidda xanuunka COVID-19

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xalay ka hadlay wacyi-gelinta COVID-19 iyo sida looga badbaadi karo, ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo Bahda C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xalay ka hadlay wacyi-gelinta COVID-19 iyo sida looga badbaadi karo, ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo Bahda Caafimaadka dalka. Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaaraha ayaa xaqiijiyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan. Ra'iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Waxaa kale oo Ra'iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee ka dhasha COVID-19, lana dhimay canshuurta raashinka daruuriga ah. Ganacsatada ayuu mar kale Ra'iisul Wasaaruhu faray in ay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip