Shiinaha oo u jawaabey Madaxweyne Trump

0
Friday April 17, 2020 - 22:52:06 in Wararka by
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo u jawaabey Madaxweyne Trump

    China ayaa maanta beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

China ayaa maanta beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa qiray in sida dhaqsaha leh ee uu ku faafayey fayruska ay keentay in la shaaciyo tiro ka yar tan saxda ah, taasi oo dhalisay in maanta ay China sare u qaaday tirada dadka ku dhintauy cudurka. Hase yeeshee Zhao ayaa yiri "marnaba ma jirin wax qarin, mana ogolaan doono in wax la qariyo." Tuhunada ku saabsan in China ay xiriir dhow la leedahay Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ah "kuwa loogu gefayo" Beijing, ayuu yiri Zhao. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su'aal ka keenay sida China ay ula tacaashay faafitaanka cudurka, iyo inay daah-furneyd tan iyo markii cudurka uu kasoo shaac-baxay magaalada Wuhan, sanadii tegtay. Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Dominic Raab iyo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa sidoo kale Khamiistii shaki geliyey jawaabta China ee fayruska. Tuhunadan ayaa mar kale soo shaac baxay maanta kadib markii mas'uuliyiinta magaalada Wuhan, oo aheyd xudunta cudurka ee dalka China, ay tirada dhimashada sare u qaadeen 50% ama 1,290, oo ay gaarsiiyeen 3,869 qof, taasi oo tirade guud ee dalka ka dhigtay 4,632.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip