Africom oo beenisay warar Al-Shabaab ay faafiyeen.

0
Thursday April 16, 2020 - 19:09:15 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Africom oo beenisay warar Al-Shabaab ay faafiyeen.

    Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa ka horyimid been ay warbaahinta Al-Shabaab ka faafiyeen dilka sarkaal 10-kii April lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose. Mareykanka ma aysan shaacin magaca ninkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa ka horyimid been ay warbaahinta Al-Shabaab ka faafiyeen dilka sarkaal 10-kii April lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose. Mareykanka ma aysan shaacin magaca ninkaas, hase yeeshee dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labadaba magaciisa ku sheegay Cabaas Maxamed Xaaji, waxaana warbaahinta Al-Shabaab ay sheegeen inuu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka. "Eedeymahan waa kuwa saldhig u ah dacaayadda Al-Shabaab, waana been," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AFRICOM. "Argagixiyaha lagu dilay duqeyntii 10-ka April, wuxuu ahaa xubin Al-Shabaab oo ku lug lahaa dilka lix qof oo ahaa Soomaali aan waxba galabsan." AFRICOM ayaa sheegtay in ninkan uu waxyar ka hor inta aan duqeynta lagu dilin uu xaafad ku taalla Jubadada Hoose kusoo bandhigay meydadka askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. "Kadib markii uu gaystay ficil xaasidnimo iyo cabsi gelin ah, argagixiyahan Al-Shabaab wuxuu ka tegay xaafadda. Kadib markii uu cidlo ku noqday deegaan gaar ah, waxaa lala beegsaday oo lagu khaarijiyey duqeyn ay fulisay AFRICOM, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka. "Ma jirin shacab aan waxba galabsan. Wuxuu gaystay ficil dambi-dagaal ah isaga oo dhulka ku jiiday meydad si uu u cabsi geliyo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan si ay isku dhiibaan," waxaa sidaas yiri agaasimada howl-gallada AFRICOM Maj. Gen. William Gayler. AFRICOM ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga iyo kuwa AMISOM ay wiiqeen awoodii Al-Shabaab, ay Al-Shabaab iminka sii kordheyso beenta iyo dacaayadda, oo ay ku jiraan sii deynta sawirro aan la xaqiijin oo ah khasaare shacab, si ay u hesho dareenka warbaahinta, una qiyaameyso shacabka Soomaaliyeed."Africom oo beenisay warar ay Al-Shabaab ka faafiyeen dilka Cabaas Maxamed, soona bandhigtay xog qarsaneyd.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip