Puntland oo kordhisay Bandowga Saaran Magaalooyinka
"Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinaya illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay.
Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan.
Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay in muddo kordhin Bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajida lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad.
Puntland oo kordhisay Bandowga Saaran Magaalooyinka
Madaxweynaha Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Shir-guddoomiyey kulanka Guddiga diyaar-garowga iyo Ka hortagga ee Coronavirus. M