Warbixin soogalootiga ugu badan Iswidhan ee u dhintay cudurka Covid-19 Waa Soomaali

0
Wednesday April 15, 2020 - 20:16:11 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin soogalootiga ugu badan Iswidhan ee u dhintay cudurka Covid-19 Waa Soomaali

    Warbixinta maanta ee corona ayaa lagu soo bandhigay soogalootiga ugu badan ee u dhintay xanuunka coronavirus waxana ugu horeeya Somaliya halka ay ku xigaan Wadamada Ciraaq iyo suuriya. Guud ahaan 1033 qof ayaa illaa hadda inta la ogsoon ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta maanta ee corona ayaa lagu soo bandhigay soogalootiga ugu badan ee u dhintay xanuunka coronavirus waxana ugu horeeya Somaliya halka ay ku xigaan Wadamada Ciraaq iyo suuriya. Guud ahaan 1033 qof ayaa illaa hadda inta la ogsoon yahay ama soo gaartay diiwaanka hayadda caafimaadka bulshada u geeriyootey cudurka covid-19. Waana tiro kor u kacday 114 qof wixii shalay ka dambeeyey, sida ay hayaddu maanta ku soo bandhigtay shirkeedii jaraa'id ee maalinlaha ee xaaladda fayruska corona ee dalka. Dhanka kale tirada inta qof ee laga heley faruska ee saamiyadii tijaabada ee laga qaaday ayaa kor u gaartay 11445, halka 530 dadkaa ka mid ahna ey ku jiraan xaaladda gargaarka caafimaad ee joogtada ah, sida ay sheegtay Johanna Sandwall, madaxa laanta u diyaar garowga masiibooyinka ee hayadda hoggaanka bulshada oo shirka jaraa'id ka hadashay.

      -530 bukaan ayaa maanta gargaar deg deg ah ugu jira covid-19, halka tiro kale oo saddex boqol gaarsiisan daryeel la mid ah ugu jiraan xanuunno kale. Welina waxaa jirta awood dheeri ah oo loo leeyahay in dad intaa ka badan la qaabilo, sida ay sheegtay. Iyadoo hadalkeedii sii wadatan tiri iney ku celinayso mar kale farriin toddobaadkii hore ay jeedisay:

      -In laga baqo maahan in daryeel caafimaad la raadsado. Waxaa la wici karaa 1177, waxaa la booqan karaa gargaarka degdegga ee cusbitalka. Waxaa na soo gaarey dhammaallo in laga cabsi qabo inaaney boosasku ku filleyn, sida ay hadalka u dhigtay.

       Dhanka kale Anders Tegnell oo ka howlgala hayadda caafimaadka bulshada ayaa soo bandhigay in badankood dadka u geeriyoodey covid-19 marka loo eego tirada ey bulshada dalka ka yihiin dad ka soo jeeda dalka dibaddiisa uguna horreeya dadka ka soo jeeda Soomaaliya, waxaa soo raaca Ciraaq, Suuriya. Waxaa soo raaca waddammada Finland iyo dalkii horey loo oran jirey Yugoslaafiya. Labadaasi waddan ayay ugu wacan tahay dad muddo hore soo galey oo badankood ey gaboobeen, sida uu sheegay Anders Tegnell.

      Mar Tegnell wax laga weeydiiyey in ciriiriga deegaanku ugu wacan yahay dhibaatada fayruska ee qowmiyadaha kala duwan ee dalka dibaddiisa ka soo jeeda, soomaaliduna ka mid tahay ayuu ku jawaabay:

      -Waa wax dhici kara. Waxaa jira saansaamo sheegeya in ciriiriga deegaanku ka mid yahay halista uu fayruskani ku faafi karo. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in tirakoobyadan aad loogu dhuur galo intii aan lagu ekaan xaalad keliya. Waxaa jiri kara asbaabo kala duwan oo sabab u noqon kara ee loo baahan yahay in laga fekero. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in si ka dardar badan looga howl galo xaafadahaa, sidii gacan looga geeysan lahaa. Iyo in loo baahan yahay in la eego habka ay ku socoto iminka. Khasab maahan in xaaladdu sidii hore weli u liidato, sida uu sheegay Anders Tegnell.

       Iimaan Cilmi oo illaa sagaashameeyadii ku dhaqnayad nawaaxiga xaafadaha Järva ayaa sheegtay sidoo kale in beryahan dambe aad mooddo welwelkii inuu hoos u dhacay. Middaasina oo ey ku macneeysay maadaama uu yaraaday wararkii dhiilada lahaa ee toddobaadyo ka hor la maqli jirey, sida ay hadalka u dhigtay.

      -Dhibaato adag ayaa la soo marey labadii toddobaad ee la soo dhaafay iminka waxaad mooddaa inay ka sahlanaatay, maadaama la maqlayo in aanay sidoo hore u dhib badnayn, sida ay sheegtay Iman Cilmi.

Xigasho: Somaliska Stockholm




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip