RW. Khayere oo amray in Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir la siiyo lacago looga hortagayo Corona Virus.

0
Wednesday April 15, 2020 - 19:53:43 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Khayere oo amray in Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir la siiyo lacago looga hortagayo Corona Virus.

    Ra'iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Xasan Cali Khayre Ra�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19. Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo xalay Shir guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee kahor tagga Covid-19 oo habeenkii ku shira Muuqaalka tooska ah ee (Vedio Conference) waxa uu Wasaaradda maaliyadda amaray in ay bixiso lacagtaas. Lacagaha loo qoonqeeyay Dowlad Goboleedyada ayaa ah min hal malyan oo doolar oo la gaarsiinayo maamul Goboleedyada Dowladda Federaalka hoostaga si ay ugu adeegsadaan kahor tagga faafidda cudurka Corona.

      

Khayre ayaa sheegay in muhiimada lawada saaro sidii loosoo afjari lahaa walwalka cudurka Corona, waxaana uu ku baaqay in wadajir la isaga kaashado arrintaan oo ah mid guud ahaan Soomaalida ay mas’uuliyad kawada saaran tahay.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa qalab Caafimaad uu dhawaan ugu deeqay Aas-aasaha Shirkadda Alibaba ee Shiinaha laga leeyahay u qaybisay Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa sii kordhay kiisaska dadka uu haleelay Fayruska Corona Gudaha Soomaaliya, waxaana kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip