Askar lagu dilay Ceelasha Biyaha, hubkii ay wateena laga qaatay

0
Wednesday April 15, 2020 - 19:45:36 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar lagu dilay Ceelasha Biyaha, hubkii ay wateena laga qaatay

    Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dabley hubaysan in halkaasi ay ku toogteen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dabley hubaysan in halkaasi ay ku toogteen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.
      Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Zamzam ee Ceelasha biyaha, kadib markii laba nin oo Bistooladley ah ay toogteen laba Askari oo qoryo watay.

       Markii ay dileen labada Askari kadib waxa ay ka qaateen labadii qori oo ay wateen, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobtii dilka uu ka dhacay.

Ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi ay ka soo qaadeen maydka labadii Askari ee toogashada lagu dilay.

     Ciidamada dowladda ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ka bilaabay hawlgal baaritaan ah oo lagu raadinaayo Kooxdii sida gaadmada ah u dishay labada Askari, kadibna ka baxsatay goobtaasi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip