Somtel oo soo bandhigtay adeeg la magac-baxay Subcis

0
Wednesday April 15, 2020 - 19:38:59 in Wararka by
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somtel oo soo bandhigtay adeeg la magac-baxay Subcis

    Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeeg cusub, oo loogu magac-daray (Subcis). Adeeggan ayaa ah mid loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed, ee uu saamaynta ku yeeshay xanuunsidaha COVID-19, ee ka dhashay Coronavirus. Maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeeg cusub, oo loogu magac-daray (Subcis). Adeeggan ayaa ah mid loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed, ee uu saamaynta ku yeeshay xanuunsidaha COVID-19, ee ka dhashay Coronavirus. Maadaama saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay la fasaxay Madrasadaha Qur'aanka Kariimka lagu barto, si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus, Shirkadda Somtel oo ka jawaabeysa codsiyada uga yimid bulshada Soomaaliyeed, misena fulineysa rabitaanka ubadka Soomaaliyeed ayaa waxay soo kordhisay adeegga Subcis. Maamulka Somtel waxay adeegga Subcis ku sheegeen inuu yahay mid lagu dhiiragelinayo Macalimiinta Dugsiyada Qur'aanka iyo ardayda wax ka barata, si aanu hakad ugu imaan daruustii ay qaadanayeen. Adeeggan ayaana Macalimiinta u sahlaya inay casharada siiyaan ardayda, ayagoo guryahooda joogga. Ardayda ayaa sidoo kale daruusta ku qaadan kara, ayagoo guryahooda ku sugan, isla-markaana adeegsanaya teleefanadooda Somtel. Tani ayaa waxaa barbar-socota in Macalimiinta iyo ardaydaba ay adeeggan ku Subcin karaan, iyagoo goobo durugsan kala joogga. Somtel ayaa ku caanbaxday ayadoo eegeysa xaaladaha dalka uu ku sugan yahay inay bulshadeeda u fidiso adeegyo qiimo jaban, isla-markaana daboolaya baahiyadooda isgaarsiineed (Voice & Internet), intaba, waxayna Somtel noqoneysaa shirkaddii ugu horeysay oo isgaarsiineed oo ka jawaabta rabitaanka dhalinta Soomaaliyeed.     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip