Fanaankii Cumar Shooli oo Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)

0
Wednesday April 15, 2020 - 19:29:40 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaankii Cumar Shooli oo Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)

    Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariistee fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shoolli), iyadoo maanta Barqadii lagu aasay isla Muqdisho. Cumar Shooli ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariistee fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shoolli), iyadoo maanta Barqadii lagu aasay isla Muqdisho. Cumar Shooli ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho waxaa uuna u geeriyooday sida dadka ku dhaw-dhaw ay shegeen cudurka Macaanka ama Sokorta. Aaska Marxuumka waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Ibraahin Dheere oo sheegay Maamulka Gobolk Banaadir inuu bixiyay qarashka aaska Marxuumka. Fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli) ayaa sida la sheegay ku dhashay degmada afgooye ee gobolka shabeellaha Hoose, waxaana da'diisa lagu sheegay dhowr iyo sideetan. Waxaa uu fanka ku soo biiray sida uu ku sheegay wareysiyadii uu horey u bixiyay in ka badan 45 sano ka hor. Shooli ayaa fanka kaga soo biiray dhanka ciidamada oo waxaa uu ka mid ahaa militarigii Soomaaliya sida uu ku sheegay wareysiyadii hore ee uu bixiyay.          





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip