Dad ka baxsadey Xarun karantiil

0
Wednesday April 15, 2020 - 18:28:52 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ka baxsadey Xarun karantiil

    Dadkaan oo tiro ahaan lagu sheegay 32 Ruux ayaa waxaa ay ka baxsadeen Xarun lagu karantiilo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus taas oo ku taalla Gudaha degmada Ceelwaaq Kenya. Dadkaan oo badankood ahaa rakaab ayaa kamid ahaa 66 Ruux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkaan oo tiro ahaan lagu sheegay 32 Ruux ayaa waxaa ay ka baxsadeen Xarun lagu karantiilo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus taas oo ku taalla Gudaha degmada Ceelwaaq Kenya. Dadkaan oo badankood ahaa rakaab ayaa kamid ahaa 66 Ruux oo lagu haayey Xarun Karantiil,in kastoo aan si rasmi loo faah faahin sida ay ku baxsadeen maadaama goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah. Qaar kamid ah kaal kaaliyeyaasha Caafimaad ee Xarunta dadka lagu karantiilo ee Magaalada Ceelwaaq Kenya ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay walwal ka qabaan dadkaasi baxsadey oo ay sheegeen in qaarkood aan weli la karantiilin. Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Cali Ibraahim Roobo ayaa todobaadkaan sheegay inay ka walaacsan yihiin basaska dadweynaha iyada oo bandow uu jiro ay weli ka dhex Shaqeynayaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera. Kenya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka Afrika ee laga helay kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus,iyada xilliyada habeenkii Magaaloyinka qaar bandow la geliyey.

       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip