Trump oo shaaciyay inuu hakinayo dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Hey'adda WHO

0
Wednesday April 15, 2020 - 18:12:30 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo shaaciyay inuu hakinayo dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Hey'adda WHO

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu hakinayo dhaqaalaha la siiyo Hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO, isagoo faray maamulkiisa inuu hakiyo dhaqaalahaas. Donald Trump ayaa ku eedeeyay WHO inay ku guuldareysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu hakinayo dhaqaalaha la siiyo Hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO, isagoo faray maamulkiisa inuu hakiyo dhaqaalahaas. Donald Trump ayaa ku eedeeyay WHO inay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aas aasiga ah, gaar ahaan jawaabta ay ka bixisay faafitaanka Coronavirus. Sidoo kale Trump ayaa ku eedeeyay inay si xun u maareysay, isla markaana qarisay faafitaanka Coronavirus, kaddib markii uu cudurkan ka dilaacay dalka Shiinaha. Waxaa uu xusay inay qasab tahay in lala xisaabtamo WHO, waxaana uu xusay inay u xaglineyso Shiinaha. Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay'adda WHO, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu siiyay 400 oo milyan oo doolar, taasoo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay'addan.

           



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip