Duqii hore ee Muqdisho oo soo saaray baaq ku saabsan Bandowga caawa ee Muqdisho

0
Wednesday April 15, 2020 - 17:48:47 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqii hore ee Muqdisho oo soo saaray baaq ku saabsan Bandowga caawa ee Muqdisho

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa soo saaray baaq ku saabsan bandowga caawa ka dhaqan galaya Muqdisho ee ay dowladdu soo rogtay. Guddoomiye Taabit ayaa shacabka ku wargeliyay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa soo saaray baaq ku saabsan bandowga caawa ka dhaqan galaya Muqdisho ee ay dowladdu soo rogtay. Guddoomiye Taabit ayaa shacabka ku wargeliyay inay xusuusnaadaan kn bandowga ay keentay xaalad daruuri ah, sidoo kale ciidamada ayuu ugu baaqay in shacabka si wanaagsan ula macaamilaan. Sidoo kale waxaa uu ka digay in aan Shacabka loo adeegsan rasaas si loo xareeyo, taasoo uu xusay in haddii ay dhacdo ay keeni karto khasaaro. Halkan hoose ka akhriso Farriinta Guddoomiye Taabit:- Madaama uu caawa Bandoow u bilaabanayo dadka ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muhiim ah inuu jiro taxadar ballaaran oo dhinac walba ah. Waa iney shacabkeenu xusuusnaadaan in Bandoowgu ay keentay xaalad duruuri ah. Waxaan fahmi karnaa waxa ka imaan kara shacab aan horey bandoow u arag iyo ciidan aan iyaguna horey u fulin howl bandoow ah, sidaa darteed waxaan ciidanka fulinaya Bandoowga ugu baaqayaa iney shacabka si wanaagsan ula macaamilaan oo ay ogaadaan ujeeddada loo soo rogay bandoowga iney tahay NAF-BADBAADIN. Waa inaan shacabka loo adeegsan rasaas si loo xareeyo, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta khasaaro ka badan midkii loo socday in la yareeyo. Waan wada ognahay in dhowr jeer ay dhimasho ka dhalatay muran dhex maray askar iyo shacab, sidaa awgeed inta lagu jiro bandoowgan askartu ha foojignaato, ha dhimriso, oo yaaney khasaaro cusub horseedin, maadama ay jiri karto duruuf lagama maarmaan ah oo muwaadinka ku qasbeysa in uu soo baxo. Shacabka waxaan ka codsanayaa iney awaamiirta ciidanka u hoggaansamaan oo aaney abuurin jawi isfaham-darro ah oo ay guryahooda gaaraan ka hor saacadda u bilaabanayo Bandoowga. Mar walba oo si wadajir ah loo shaqeeyo waxey suuragelisaa in ujeedka la gaaro.

            




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip