Sheekh Shariif oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn Coronavirus

0
Tuesday April 14, 2020 - 21:23:37 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn Coronavirus

    Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadley xaaladaha xanuunka Coronavirus,isaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaaliya. Sheekh Shar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadley xaaladaha xanuunka Coronavirus,isaga oo baaq u direy Madaxda Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaaliya. Sheekh Shariif oo Warbaahinta Shir Jaraa'id Muqdisho ugu qabtey ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka taxadaraan in dhexdooda uu ku faafo Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka Soomaaliya. Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayuu ugu baaqay Sheekh Shariif inay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa Cudurka oo aysan Siyaasadeyn,isla markaana Beesha Caalamka dhankooda looga baahan yahay inay kaalintooda ay ku caawinayaan dadka Soomaaliyeed ay muuqato. Hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay kordheyn kiisaska la xiriira Cudurka Coronavirus ee laga helay Soomaaliya,kaas oo gaarey 60 Ruux.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip