Kulamo looga hadlaayo joojinta dagaal beeleedyada oo ka dhacay Caabudwaaq

0
Tuesday April 14, 2020 - 21:22:46 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamo looga hadlaayo joojinta dagaal beeleedyada oo ka dhacay Caabudwaaq

    Madaxweyne ku xigeenka DGGM, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaa kulanka ku wehliyay Ugaaska Guud ee beelaha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas keyse, waxaa sido kal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka DGGM, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaa kulanka ku wehliyay Ugaaska Guud ee beelaha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas keyse, waxaa sido kale, qayb ka ahaa Xildhibanada Galmudug ee ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud Kulanka waxaa looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah uga dhaaqan gali la,heyd deeganka furinta Fooro oo dagaal beeledyo ku soo lab laabteen. Sidoo kulanka qodabadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deeganka Dagmada cabudwaaq. Intii uu kulankaasi socday ayaa Ugaaska Beesha Sade iyo golaha guurtida ay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ka codsadeen in Dagmada Cabudwaaq si dag dag ah loogu dhiso Gole Deegan oo ay Dagmadu yeelato. Sidoo kale, Golaha guurtida Dagmada cabudwaaq ayaa madaxweyne ku xigeenka Ka codsaday in la kordhiyo tirada iyo tayada, Ciidamada booliska Dagmada Cabudwaaq. Ugu danbeyn Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip