xukuumadda Soomaaliya oo ka mahadcelisay deeqdii Caafimaad ee Imaaraadkasoo gaarsiiyay Muqdisho.

0
Tuesday April 14, 2020 - 21:18:50 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xukuumadda Soomaaliya oo ka mahadcelisay deeqdii Caafimaad ee Imaaraadkasoo gaarsiiyay Muqdisho.

    Kadib markii maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka soo degtay diyaarad siday gargaar caafimaad oo loogu tala galay cudurka Coronavirus, ayaa waxaa taageeradaas ka mahad celiyey xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Isutagga Imaaraatka Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka soo degtay diyaarad siday gargaar caafimaad oo loogu tala galay cudurka Coronavirus, ayaa waxaa taageeradaas ka mahad celiyey xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Talaadada maanta ah 23.4 tan oo shixnad agab caafimaad diyaarad siday u soo dirtay Soomaaliya, waxaana kala wareegay oo garoonka ku sugaayey mas'uuliyiin ka socotay xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa goor dhaw soo saartay war-saxaafadeed ay ugu mahad celineyso dowladda Isutagga Imaatadka Carabta, waxaana lagu sheegay qoralka in dowladda Soomaaliya ay kaalmadaas caafimaad u aragto hadiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal. "Soomaaliya waxa ay uga mahad celinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah"ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu yiri, "Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hamza Saciid Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abdulkadir Ahmed-khair." Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip