Itoobiya oo sheegtay in ay dishay 17 ruux oo Shabaab ah

0
Tuesday April 14, 2020 - 21:15:36 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sheegtay in ay dishay 17 ruux oo Shabaab ah

    Taliska ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay weerar ay diyaaradahooda ku qaadeen Koratale iyo Yurkud iney ku dileen 17 dabley oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Habtom Zenebe Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya wuxuu sheegay ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay weerar ay diyaaradahooda ku qaadeen Koratale iyo Yurkud iney ku dileen 17 dabley oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Habtom Zenebe Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya wuxuu sheegay ciidamada Al-shabaab ay weerarkaasi ku dileen iney dhammaantood ahaayeen kuwa u qaabilsanaa aasidda miinooyinka. War murtiyeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga waxaa lagu sheegay Al-Shabaabka la laayey iney ka kicitimeen Dolow ayna damceen ciidamada Itoobiya oo kolonya ah oo maraya agagaarka Baydhaba ay weerar miino la beegsadaan. Waxayna ciidamadu sheegeen dhammaan raggi weerarkaasi qorsheynayey oo 17 ka koobnaa dhamaantood la dilay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Ciidanka Itoobiya ee weerarka ka dhacay degaanka Yurkud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip