Ciidamada Jubbaland oo Xabsiga dhigay Wariye Aadan Kismaayo

0
Monday April 13, 2020 - 19:45:32 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jubbaland oo Xabsiga dhigay Wariye Aadan Kismaayo

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada Ammaanka inay xabsiga dhigeen Suxufi Aadan Kismaayo. Suxufigaan ayaa lagu soo waramayaa maanta Barqadii inay gurigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada Ammaanka inay xabsiga dhigeen Suxufi Aadan Kismaayo. Suxufigaan ayaa lagu soo waramayaa maanta Barqadii inay gurigiisa kala baxeen Ciidamada ammaanka Jubbaland, kadibna loo kaxeeyay mid ka mid Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin magaalada gudaheeda.

                        Ehelada Suxufigaan ayaa sheegay inaysan garan karin sababta ka dambeysa xarigga loo gaystay Aadan Kismaayo oo ah Wakiilka wareedka Tvga Qaranka Somaliya ee Magaalada Kismaayo.

                Inkastoo Jubbaland & dowladda dhexe ee Somaliya uu ka dhaxeeyo Khilaaf Siyaasadeed oo adag, ayaa haddana si dhab ay loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in xabsiga la dhigo Suxufigaan.

             Aadan Kismaayo ayaa wuxuu yahay Suxufi muddo dheer ka shaqeynaayay Magaalada Kismaayo si dhex dhexaadna uga soo warami jiray Magaaladaasi, balse ma cadda illaa hadda waxa lagu haysto.

xigasho:dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip