Deni oo ka digay in ciidanka Xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed

0
Monday April 13, 2020 - 19:34:33 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo ka digay in ciidanka Xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah ama kuwa kooxeed.             Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, sida uu hadalka u dhigay.

                  "Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni.

                   Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaana ay soo muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero.

               Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalintaan, sababo la xariira Coronavirus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip