Saddex ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo is karantiilay

0
Monday April 13, 2020 - 18:44:50 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo is karantiilay

    Laba ka mida Madaxweyne-yaasha Maamul Goboleedyada iyo Gudoomiye Baarlamaan ayaa go'aansaday inay is karantiilaan, ka dib markii ay isaga shakiyeen xanuunka Coronavirus. Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiij

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba ka mida Madaxweyne-yaasha Maamul Goboleedyada iyo Gudoomiye Baarlamaan ayaa go'aansaday inay is karantiilaan, ka dib markii ay isaga shakiyeen xanuunka Coronavirus. Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyay in uu is tarantiilay toddobadkii ugu dambeeyay, si uu u taxadaro, tusaalana ugu noqdo dadkiisa. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in is karantiilkan uu sii wadi doono, sida ay inta badan dadku sameeyan.

          "Waxaan doortay inaan is-karantiilo toddobadkii ugu dambeeyay, taxadar iyo inaan tusaale u noqdo dadkeyga. Waana sii wadi doonnaa sida dadka badankiiba ay sameeyan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

       Tallaabada uu isu karantiilay Madaxweynaha ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii bartamihii bishii hore ee March ay safar wada galeen Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle, Khaliif Muumin Tooxow oo Axadii Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus. Madaxweynaha ayaana dareemay calaamado muujinaya fayriska Corona.

Sidoo kale Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa isu karantiilay hoyga uu ka degan yahay Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed (Ibraahim Baafo) ku wargeliyay illaa iyo inta uu xaaladda karantiilka ka soo baxayo, aanu cidina qaabili doonin.

       Ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu si gaar ahi isugu karantiilay qolkiisa hurdada, isla-markaana aysan jirin cid ku booqata.

      Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa isna isu karantiilay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada, ka dib markii uu isu arkay xumad/qandho iyo qufac badan.

     Cali Saciid Fiqi oo 1dii bishan loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 29-kii bishii March uun soo gaaray Magaalada Baydhabo, iyadoo uu ka hor soo maray Magaalooyinka Addis Ababa, Asmara iyo Muqdisho. Tobankii maalmood ee ugu horeysay uu Baydhabo joogay, maanu dareemin calaamado uu isaga shakin karo xanuunkaasi.

      Illaa iyo hadda ma cadda in si rasmi ah uu xanuunka Coronavirus ugu dhacay Madaxda Koonfur Galbeed iyo in kale, waxaase jira warar sheegaya in ay tallaabooyinkaasi qaadeen, iyagoo u hoggaansamaya talooyinka waaxda caafimaadka.

     Dhanka kale Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa ka hawlgala gaadiidka yar yar, oo labadaasi magaalo ka karaabsada. Dadka jidka ku safraya ayaa labadii toddobaad soo badanayay, ka dib markii si ku-meel-gaar ahi loo joojiyay duulimaadyadii dalka gudahiisa.

Waxaa kaloo jira gaadiid rakaab iyo ganacsiba ka qaada Doolow Itoobiya iyo Mandhera oo tagga Magaalada Baydhabo. Mararka qaarkoodna waxaa si dhuumaaleysi ah ku tagga gaadiidka qaad wada.

Tani waxay suurtagal ka dhigeysaa in xanuunka dunida faraha kulul ku haya uu ku fiday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

25 kiis oo Coronavirus ah ayaa dalka laga diiwaangeliyay iyo laba kiis oo dhimasho ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.

xigasho:dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip