Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah, kuna saabsan ka hortagga cudurka COVID-19 la qaatay culimo, dhahaatiir, ganacsato iyo qaar ka mid ah Hay'adaha Dowladda

0
Monday April 13, 2020 - 17:33:13 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah, kuna saabsan ka hortagga cudurka COVID-19 la qaatay culimo, dhahaatiir, ganacsato iyo qaar ka mid ah Hay'adaha Dowladda

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay'adaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay'adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

             Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

             Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19.

             Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

               Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.

Dhammaad

IB0A2245




IB0A2259 2
IB0A2331
IB0A2325
IB0A2239
IB0A2215
IB0A2310
IB0A2262 2
IB0A2242
IB0A2218
IB0A2216

IB0A2233

Dhammaad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip