HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY 13-4-2020

0
Monday April 13, 2020 - 10:09:07 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY 13-4-2020

    Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixi say Xaaladda Caabuqa COVID-1 Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Fawziya Abikar Nur, oo xalay ka war bixisay xaaladda Caabu qa COVID-19 ee dalka, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah bukaanna da xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixi say Xaaladda Caabuqa COVID-1 Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Fawziya Abikar Nur, oo xalay ka war bixisay xaaladda Caabu qa COVID-19 ee dalka, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah bukaanna da xaaladoo du soo wana agsanaaneyso, lagu na kar aantiilay xaaf adahoda. Wasiir Fawziya Abikar Nur waxay sidoo kale sheegt ay in 2Ka mid ah bukaana da COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbit aal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u bahanyihiin daryeel dheraad ah. Marwo Fawziya Abikar Nur waxay ku celisay in xanuunku si aayar ah ugu faafa yo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay mu hiim tahay in la raaco fariimaha iyo talooy inka caafimaad ee ay ka midka yihiin in guryaha la joogo, in la kala fogaado oo la bo mitir la'isu jirsado, in la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo salaanta gacan qaad ka ah. Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta da dka da'da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha ayaa bulshada ugu baaqday in qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talo caafimaad ama loo caawiyo. D/F/S.waxay muhiimadda 1aad siiney saa xoojinta iyo taabbo gelinta tallaabooy inka lagaga hortagayo cudurka, waxayna bulshada ku boorrineysaa in muwaadiniin ta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka shaqeyan bed-qabka bulshadeena.


Madaxweyne Deni oo Shacabka u diray baaq ku aadan Covid 19

Madaxweynaha Puntland Mdane Siciid C/hi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Wa siiru Dowlihii W/C/dda Hir-shabeelle Marxuum Khaliif Muumin Toloxow oo Shalay u geeriyoo dey Cabuqa Covid-19.

Madaxweyne Deni waxa uu Hir-shabe elle Dowlad iyo Shacabba uga tacsiyayn ayaa geerida xanuunka badan ee ku timi Wasiir Khaliif Muumin, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuumku, wu xuuna uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Janna diisa Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Rabbi kasiiyo dhamman ummad da Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hir-shabeelle, ehelkiisa iyo asxaabtiisaba.

Ugu dambayn, Md.Deni ayaa shacab ka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku booriyey inay feejignaan dheeriya ka yee shaan caabuqa halista ah ee aan lahay da awo iyo talaaltoonna, isagoona si adag Ma daxweynuhu shacabka Puntland ugu adke eyey in la qaato amaawiirta Dowladda ee ka dhanka ah caabuqa Covid-19, si looga hortago xanuunkaasi halista ah.

Guddoomiye Jeyte”Waxaan Guud ahaan joojiney Jaadka laga keeno Itoobiya”

Guddoomiyaha weli aan xilak la wareeg in ee Maamulka G/Hiiraan ayaa Shalay Kulan gaar ah waxaa uu la qaatey Saraaki isha Ciidamada Dowladda & kuwa AMI SOM,isaga oo kala hadley Arrimaha Am ni ga iyo sidii xaduuda loo xirir lahaa.

Guddoomiyaha oo kulanka ka dib Warb aahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay in xillgaan wixii ka dambeeya uu Maaulka G/Hiiraan joojiyey jaadka (Qaadka) ka yi maada dhinaca itoobiya.

Saraakiisha Ciidamada ayuu ku amrey inay qaadaan tallaabo lagu joojinayo Jaad ka oo horey dowladda Soomaaliya ay u soo saartay Amaro lagu joojinayo si looga hortago Cudurka Coronavirus.

Guddoomiye”Cismaan Barre”Shacabka Hir-Shabeelle badbaado ayay rabaan”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadley arrimo ay kamid yihiin Cudurka Coronavi rus iyo Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey ee ahaa in la xiro xad uudaha dalka.

Sheekh Cismaan Barre waxaa uu shee gay in dhamaan xaduudaha Gobolka Hiir aan uu la wadaago Gobolka Hiiraan uu ya hay mid iska furan oo uu Maalin walba jaa dka si caadi ah uu uga soo galo,isaga oo sheegay in Hir-Shabeelle u baahan tahay badbaado.

"Runtii xaduudaha Hir-Shabeelle uu la leeyahay maamul goboleedyada waa uu iska furan yahay cid ilaaliso majirto jaadka waa uu iska soo galaa,dowladda waxaan ugu baaqayaa inay arrintaasi waxka qaba to oo Hir-Shabeelle ay badbaadiso ayuu yir i”Guddoomiye Cismaan Barre.

Hadalka G/Baarlamaan ka D/GHir-Sha beelle ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli degmooyin ka tirsan G/Hiiraan si caadi ah jaadka loo geeyso,sidoo kale Guddoomiya ha Cusub ee weli aan xilka la wareegin ee Cali Jeyte Cismaan uu sheegay in uu xiri doono dhamaan Xaduudaha G/Hiir aan.

Libya oo laga soo musaafuriyey dad ay Soomaali ku jiraan

Dowladda Libya ayaa waxaa la sheeg ay inay dalkeeda ka soo musaafurisey 236 Ruux oo ay Somaali ku jiraan,kuwaas oo iyadoo sheegtay inay ku joogeen dalkaas si Sharci darro ah.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Hay’ad da Dowladda Libya u qaabilsan la dagaal anka dadka soo galootiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in la soo musaafuriyey ay u kala dhasheen dalalka, Itoobiya, Soomaali ya,Suudaan,Chat Nigeria, Ghana, iyo Ma ali. In kastoo dadkaasi ay dowladda Lbya sheegtay inay dalkeeda kasoo musaafurin eyso ayaa haddana waxaanan la ogeyn si da ay suurtagal ku noqon karto maadaa ma isku socodka Caalamiga ah la hakiyey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Dadka la musaafuriyey ayaa waxaa ku jira lix dumar ah,waxaana Wakaaladda Wa rarka Shiinaha ee Xinhua ay shaacisey in Cudurka Coronavirus ay dad badan ugu dhinteen kuwo kalena ay la jiifaan.

Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee IOM ayaa dhowr jeer hore waxaa ay qaxooti fa rabadan kasoo qaadey dalkaasi libya oo dagaalo xoogan ay ka dhaceen halka kuwo kale lagu haayo xeryaha qaxootiga dalkaas.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey london

Waxaa sii kordhaya dadka uu Cudurka Coronavirus ku dilayo dal ka ingiriiska, kuw aas oo isugu jira Soomaali iyo ku wo u dha shay dalkaas, hal ka kuwo kale ay la jiifaan.

Wararka Risaala ay ka heleyso dalka Ingir iiska ayaa waxaa ay sheegayaan in M/ond on uu Cudurka Coronavirus ugu geeriyood ey Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu mag acaabi jirey Xasan C/laahi Muxumad Bey le (Xasan Bedeey).

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu kamid ahaa Soomaalida la xanuun saneys ay Cudurka Coronavirus,isla markaana uu ku geeriyoodey mid kamid ah Isbitaalada Magaalada london.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shak uur Warsame oo sheegay inay ehel ahaay een ayaa sheegay inuu ahaa Shaqsi wan aagsan,isla markaana ay ismoogaayen kal iya muddo bil ah xanuunkana uu ku qab tey si kedis ah. Dadka dalka Ingiriiska ugu dhintey Cudurka Coronavirus ayaa gaartey 918 oo uu ku jiro Wiil yar oo dadii sa ay tahay 11- Sano Jir iyo dad caan ah oo uu kamid ah aa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo Jimcihii la

soo dhaafay lagu Aasay london.


Dowladda oo shaacisey Goobo uusan saameyn doonin Bandowga

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqdey in laga bilaabo 15 Bishan Ap ril M/Muqdisho xilliyada habeenkii la ge li nayo Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidni mo, kuna eg 05:00 Subaxnimo,hayeeshee aan saameyn doonin Goobaha qaar.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa she egay in si loo yareeyo faafida Cudurka Cor onavirus ay talaabadaasi u qaadeen balse uusan saameyn doonin dukaamada cunn ada qalalan laga iibsado iyo xarumaha ca afimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Dadka Muqdisho ku nool ayuu ugu baa qey Taliye Xijaar inay u hoggaan samaan Amarka kasoo baxey waxaa uu sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, kuwooda ugu liit ana ay u fududeeyaan sidii ay u gaari laha ayeen halka ay doonayaan.

Dadka ku nool M/Muqdisho weli kama hadlin sida ay u arkaan Bandowga xilliya da Habeenkii ah oo ay dowladda Soom aaliya kusoo rogtey M/Muqdisho.

Somaliland oo lagu wareejiyey Qalab lagu baaro COVID 19

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqdey in ay keensatay qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus,kaas oo 2kiis oo ka mid ah la ga helay deegaanada Soomaaliland.

Qalabkaan ayaa waxaa Soomaaliland ku wareejiyey Hay’adda Caafimaadka Add uunka ee WHO oo qalabkaas horey ugu ballan qaadey Soomaaliland maadaama Soomaaliland aysan heysan Qalabka oo muhiim u ah.

Wasiirka W/horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali C/hi ayaa shee gay in markii hore qofkii looga shakiyo Cu durka Coronavirus dhacaan laga qaado loo diri jirey dalka Kenya,isla markaana wa qti badan ay ku qaadato inay jawaabta hel aan,hayeeshee taasi ay haatan ka badan.

Sidoo kale Wasiirka oo kamid ah Gudd iga ka hortaga Cudurka Coronavirus wax aa uu Hay’adda WHO uga mahad celiyey helida qalabka lagu baaro COVID 19 oo ay ka caawisey.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu shee gay inaysan jirin kiisas Cusub oo Coronav irus ah oo laga helay Somaliland,isaga oo ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanna da Soomaaliland inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee Wasaaradda iyo Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Soomaaliland ayaa dhawaan ku dhaw aaqdey in deegaanadeeda laga helay 2ki is oo ka mid ah Cudurka Coronavirus taas oo walwal ku abuurtey dad badan oo ku nool Soomaaliland,waxaana xilligaasi wixii ka dambeeeyey ay Soomaaliland joojisey isku socodka Hawada,isla markaana ay xireen xaduudahooda.

Xaaf oo xilka ku wareejiyay Qoor Qoor

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Ax med Ducaale Geelle ayaa Xalay xilka ma daxtinimada maamulka Galmudug ku ware ejiyay Madaxweynaha cusub Md. Axmed Cabdi Kaariye.

Xil wareejinta ayaa timid ka dib Munaa sabad dhacday M/ Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa go obta ay ka dhacey say Xaf ladda ka sheegay inuu tan aasulay isla mar kaana uu la shaq eyn doono Mada xweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxweyne Xaaf uga mahad celiyay sida uu maamul ka ugu soo adeegay.

Beelihii ku dagaallamay Walanweyn oo la heshiisiiyay

Guddi heer qaran ah oo maalmahaan ku mashquulsanaa, daminta dagaal soke eye oo 2beelood ku dhexmaray D/Wanlaw eyn ee G/Sh/Hoose, ayaa sheegay in he shiis nabadeed kala dhex-dhigeen dhinacy adi dirirta u dhaxeysay.

Guddigaan oo isugu jiray, guddoomiya ha maxkamadda darajada 1aad ee Ciidan ka Qalabka sida ee Soomaaliya, Xafiiska Xeer İlaalinta ciidanka Qalabka sida ee So omaaliya, xubno ka socday Hey’adda Da nbi Baarista Soomaalia, wasiirro ka socd ay maamul G/K/Galbeed iyo guddoonka Sare ee maamulka G/Sh/Hoose, ayaa she egay inay ku guuleysteen nabad dib u soo celinta xasilloonida M/Wanlaweyn, ka dib tallaabooyin muhiim ah oo ay qaadeen tan iyo 7badii bishaan April, marki ay bilaabe en howlaha nabadeynta degmada.

Waxay sheegeen in tallaabadi ugu horr eysay ee ay qaadeen ay aheyd, dhageysi ga dacwadaha 2da beel ee dirirta dhaxe matay, ka dibna 2da dhinac kala dhax-dhi gay xabbad joojin ay marqaati ka aheyd Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddi ga ay xaqiijiyeen, dhimashada 24 qof oo la gu dilay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Wanlaweyn. 9 ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal toos ah, halka 15 kale ay 2da dhin ac isaga dileen qaab aar-goosi ah. Gudd iga ayaa xaqiijiyay in dadka aar-goosiga u dhintay loo dilay si arxan-darro ah.

Waxay kaloo sheegeen in xadgudubyo ka dhan ah aadanaha ay ka dhaxeen gud aha Wanlaweyn, kuwaasoo ay ka mid yih iin kufsi, dhac hanti, iyo barakicin. Sidoo kale jidgooyooyin sharci darro ah ayay mal eeshiyaadka dagaalamay dhigteen guda ha magaalada. Balse uu guddiga ku guule ystay inuu qaado.

Warbixinta ka soo baxday guddigan ay aa eedeysay in dagaalka sokeeyey ee Wa nlaweyn ay hurinayeen, xildhibaano iyo mas’uulyiin ka tirsan maamul goboleedya da Hir-shabeelle iyo K/Galbeed. Sidoo ka le waxaa eed loo jeediyay, maamulka M/ Wanlaweyn, oo isna uu guddigu sheegay inuu door ka ciyaaray colaadda degmada, isla markaana uu ku fashilmay inuu guto waajibkii ka saarnaa joojinta colaadda.

Guddigan ayaa ugu danbeyntii sheeg ay in lasoo kaxeeyay guddoomiyihii D/ Wanlaweyn, Max’ed Siidow C/raxmaan, si ciidanka booliska Soomaaliya ay u baara an, doorka uu ku lahaa gabood-falki ka dhacay Wanlaweyn.

Waxaa kale oo uu guddiga soo jeediy ay, hey’adaha danbi barista Soomaaliya ay furaan gal-dacwadeed ciqaab ah oo lid ku ah xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Hir-shabeelle iyo Koof ur-galbeed, kuwaasoo uu guddigu sheeg ay in looga shakisanyahay inay huriyeen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Wanla weyn.

Mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa ka mid ah, xildhibaan Aadan cabdi Faarax (Kaladire) oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hir-shabeele, xildhibaan Mayo ow Mustaf Xasan oo ka tirsan xildhibaana da Barlamaanka Maamulka K/Galbeed, Ex -Xildhibaan Maxamed Taraafiko oo ka tirs anaa xildhibaanada Barlamaanka Maamul ka K/Galbeed.

Waxaa kale oo uu guddigu soo jeediyay in maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor-keeno, G/le X.Salaad Tifow oo ah ab aanduuliha guutada 7aad ee ciidanka qal abka sida ee Soomaaliya, si su’aalo looga waydiiyo qeybtii uu ku lahaa gabood fala dii ka dhacay D/W/wayn. Sidoo kale wax aa la amray in lasoo xiro, Cabdi Nuunoow Afwayne oo horjooge ka ahaa maleeshiy aadkii ku dagaalamay D/wanlawayn.

Tallaabada guddiga xalliyay colaadda Wanlaweyn ayaa ka danbeysay, ka dib marki uu madaxweynaha DFS dhawaan ku baaqay in si deg deg ah loo soo af-jaro dagaalka sokeeye ee ka dhacay D/ W/we ynG/Sh Hoose Xigasho:-Radiorisaala.com

Madaxweynaha K/Galbeed oo hamba lyo u diray Ciidanka Xoogga dalka

Madaxweynaha D/G/K/G/S,Md C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraaki il-xige ennada, alifl ayda, dableyda, dhammaan qey baha kala duwan ee CXD iyo qoys askooda 60-guura da kasoo wareegtay Aas-aaskii CX/D/ Somaaliyeed. Md.Lafta gareen ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dal keenna, sidaas dartee dna DFS oo ka sha naysa DG/yada Dalka ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aadd an tirokoobka, xa qsiinta iyo dib u habeyn ta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

"Waxaan Ammaan iyo Bogaadin Udire yaa Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan ku wa Howlgalada kawada G/Sh/Hoose iyo Guud ahaan Deegaanadda K/Galbeed Gu ulaha Wax ku oolka ah ee ay ka Gaareen Xureynta Deeganada iyo Ciribtirka Argigixi sada ,Waxaan Geesiyaasha Uhurey Naft ooda ee ka Tirsan C/X/D/S. ugu Hambali yeynaya Sanad Guurada 60aad ee kaso Wareegatay Aas aska Ciidanka.”

Md.Lafta gareen ayaa Alle u baryey dha mmaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dal ka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed ee Naftooda ku Wayey Difa aca Dalka Dadka iyo Diinta Waxaana ilaah uga Bariyey Kuwa u dhaawacmay Difaaca Dalka inuu C/fimad DegDeg ah Ilaah Siiyo


Beesha Caalamka oo qoraal ay kasoo saartay xaaladda Soomaaliya ku jeedis ay dalab muhiim ah

Dalalka Beesha Caalamka ayaa qoraal cusub oo ay kasoo saareen xaaladda So omaaliya waxay dalab muhiim ah ugu jee diyey DFS iyo D/G/yada iyo sidoo kale ko oxda Al-Shabaab.

Qoraalka ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ugu hor ey DFS ku bogaadiyeen dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka.

"Waxaan ognahay in faafista coronavir us uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wad ajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rab shadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamku ay soo sa areen.

Waxaa ay intaa ku dareen in ay ayidsan yihiin baaqii ka soo baxay xogahayaha uud ee QM ee dalbanayay xabad joojin du nida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhamma an kooxaha ku lug leh colaadda Soomaali ya inay joojiyaan rabshadaha.

"Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshada ha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurto geliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baah an,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in DFS iyo D/G/yadu ay u mido obaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya.

Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dha mmeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah isla markaana ay haddii laga fursan wa ayo in kulamada dowladda, kuwa maamu lada gobollada iyo shirarka baarlamaank aba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto.

Ugu danbeyntii, saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culeesyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo mi lkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu de ggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan ti hiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19.

Dhaqtar uu Coronavirus kula dhacay Muqdisho oo talo muhiim ah u jeediyey Soomaalida

Dr Maxamed Cismaan Maxamed oo loo yaqaano (Nasiim), islamarkaana ka mid ah guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalida Covid-19 ayaa ka sheekeeyey, sida uu ugu dhacay xanuunka, kadib mar kii dhowaan laga helay.

Dr Nasiim oo la hadlay laanta afka Sooma aliga ee BBC-da ayaa sheegay in xaaladi isa caafimaad ay wanaagsan tahay, wuxu una tilmaamay inuu cudurka ka qaaday bu kaanadii uu la tacaalayey, balse uusan gar aneyn sida uu ugu dhacay iyo qofka uu ka qaaday.

”Ma garanayo sida aan ku qaaday xan uunkan iyo qofka aan ka qaaday balse wa xaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay.” ayuu yiri Dr Maxamed.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay inay aad u adag tahay in qofka uu joogo guriga ama goob gaar ah ‘Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay in uu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabs an karo nolasha guri joogga ah”,

Dhaqtar Nasiim oo hadda ka soo kaban aya xanuunka ayaa ugu dambeyn farriin u dirtay dadka Soomaaluyeed, wuxuun ugu baaqay inay qaatan talooyinka caafimaad ka ee la siinayo.

”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrima ha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa W/ Caafimaadka, midda 2ad waa iney nada afadda ku dadaalaan oo markasta gac maha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. ayuu hadalki isa ku soo gabagabeeyey Dr Dr Maxamed Cismaan.

Xaaladda cudurka Coronavirus ee Soo maaliya ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa, iyadoona haatan tirada dad ka laga helay ay kor u dhaafeyso illaa 20 qof oo labo ka mid ah ay xanuunka ugu ge eriyoodeen M/Muqdisho.

Madaxweyne Waare oo ka hadlay geeri da Wasiir Khaliif Muumin

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiya deeyay geerida Shalay ku timid W/Dowl ihii W/Cadaaladda Hirshabelle,Khaliif Mu umin Tooxow.

Khaliif Muumin oo sidoo kale ka tirsa naa Baarlamaanka Hirshabelle ayaa M/Mu qdisho ugu geeriyooday xanuunka Corona virus, oo laga helay maalintii Jimcaha.

Marxuumka oo maalmihii ugu dambey say lagu karantiilay Isbitaal Martini ayaa duhurnimadii Shalay ugu geeriyooday xanuunkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa yiri "Waxaan tacsi u diraayaa bahweynta Hir shabelle, xukuumadda iyo shacabka, qoys ka iyo asxaabta Allaha u naxariisto W/Kha liif Muumin Tooxow. Ilaahey dambigiisa ha dhaafo, dhammaanteena samir iyo Iimaan hanaga wada siiyo. إنا لله وانا اليه راجعون”

Md.Waare ayaa sheegay in uu aad uga na xay geerida ku timid marxuum Khaliif Muu min Tooxow. "Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Kha liif Muumin Tooxow, waxa uu ahaa shakh si karti iyo wadaniyd ku sifoobay wax ba dan ka soo maray dhismaha D/G/Hirshabe lle.” Ayuu yiri Md. Waare.

HirShabelle oo war ka soo saartay geeridii Xildhibaan Khaliif

Madaxweyne ku xigeenka D/G/HirSh abele,Md.Cali C/hi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Alla ha u naxariisteen Xildhibaan Khaliif Muum in oo ahaa W/dowlaha W/cadaaladda maa mulk aasi, kaas oo Shalay u geeriyooday caa buqa Corona.

Md.Guudlaawe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka oo muddo oyinkaan lagu daaw eynay isbitaalka Martiine ee M/Muq disho.

Sidoo kale Md.Guudlaawe hadalkiisa sii wata ayaa ma rxuumka Alle uga baryey inuu ka waraab iyo Jannadiisa Firdowso.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shac abka ku dhaqan deegaanada maamulkaa si inay qaataan tallaabooyinka caafimaad ka, si looga hortago fidista cudurka Coron avirus.

Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa noqday qofkii 2aad ee cudurka ugu geeriyooda gu daha M/Muqdisho, tan iyo markii uu ka dil aacay Fayruska Corona.

Soomaaliya oo taageertay Xabad-joojin Isbaheysiga Carbeed kaga dhawaaqeen waddanka Yemen

DFS,ayaa soo dhoweysay baaq ka soo baxay Madaxda dalalka ku midaysan isba heysiga Carbeed ee taageera Xukuumad da sharciga ah ee Yemen, kuwaas oo ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad ah.

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, ayaa loo gu baaqay dhammaan dhinacyada Yemen inay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaaf ka keenay, si soo afjaro loolanka siyaasa deed iyo midka coladed ee gudaha yemen

Dowladda Soomaaliya, ayaa muujisay taageerradeeda dhammaystiran ee dadaal ka Q/Midoobay iyo hindisayaasha uu Gola ha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhax aysa, António Guterres.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa waxay xaqiijisay Garab istaaggeeda howsha Erg eyga Q/Midoobey ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo

xasiloonida dalka Yemen.


Soomaaligii ugu horreeyey oo COVID-19 ugu geeriyooday Sacuudiga

Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo So omaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi.

Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soo maaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuu di Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha M/Jidah.

Tirada dhimashada Corona ee Boqor tooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaf tay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada gu ud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka.

D/Sacuudiga ayaa sidoo kale xirtay wa dooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaa deysto oo xaramka ugu horreeyo, si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus.

Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula ji ra xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adunka

Ciidamada DF oo rag hubeysan ku dha awacay Muqdisho, ka dibna qabtay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Sooma aliya ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow labo nin oo hubeysnaa ay ku dhaaw aceen aagaarka isgoyska Bakaaraha ee M/Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobj oogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo watay gaari nooca raaxada ah ay ka biyo-diideen inay ka soo dagaan baabuurka, ka dibna ciidamadu ay ku rasaaseyeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in iyaga oo dhaawac ah markii dambe ay ga canta ku dhigeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ee jooga halk aasi.

Saraakiil ka tirsan laammaha amniga oo Caasimada Online ay xariirtay ayaa she egay in raggaasi ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo bax ay dowladda, laakiin waxaa goor-dhow la filayaa in warbaahinta ay la hadlaan sara akiisha amniga, si ay uga warbixiyaan dha cddaasi.

7aadkii hore ayey aheyd markii ciidama da dowladda rag hubeysnaa ay ku toogte en gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shab aab Xigasho:caasimadda.net.

Maxay tahay sababta loo baajiyay Mun aasadda Ciidanka Xoogga dalka?

Iyadoo Shalay ay ku beegan tahay 60 sano guurada ka soo wareegatay markii la aas aasay CXDS,isla markaana ay ku bee gan tahay 12-ka April oo sannad kasta wa qtigaan oo kale munaasabad & dhoolatus ballaaran Ciidamada ay sameyn jireen, ay aa Munaasabadii Shalay ay baaqatay.

Taliska Ciidanka XDS ayaa ka hadlay sa babta keentay inay baaqayo munaasab ada Maalinta Ciidanka X/D/Somaliya.

Jen.Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha Cii damada Xoogga dalka Somaliya oo qora al uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulsha da ugu hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, ayaaa sidoo kale sheegay inaysan suuragelin sanadkaan in la qabto Munaasabada Ciidamada.

Sababta ugu wayn ee loo baajiyay Mun aasabada ayaa waxa ay tahay, iyadoo dal ka uu ka jiro Cudurka Covid-19, isla mark aana si wayn cabsi looga qabo faafitaanka xanuunkaasi.

"Shalay oo ay ku beegan tahay sanad guurada 60aad ee Aas-Aaskii Ciidanka Xo ogga Dalka Soomaaliyeed waxaan Hamb alyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan S/ kiisha, S/kiil xigeenka, Alifleyda iyo Dabley da CXDS Iyo dhammaan qoysaskooda.” Ayuu yiri Taliye Odawaa.

Somaliya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaangeliyay 21 kiis oo xanuunka Covid-19, halka sidoo kale uu jiro 2 u dhintay xan uunkaan.

Xaaladda adag ee caabuqan uu galiyay dunida ayaa waxa ay tahay mid qatar bad an, Somaliyana ma jirto feejignaan sare & la tacaalid wanaagsan oo dhanka Caafi maadka Bulshada ah.

Itoobiya oo ‘halis weyn ku heysa’ shaca bka gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha baarlamaanka DG/Hir Shabelle, Sh.Cismaan Barre Maxamed ay aa sheegay in haatan maalkaasi ay halis weyn uga imaaneyso dalka Itoobiya oo xad Soomaaliya kala leh dhanka G/Hiiran.

Sh.Cismaan oo la hadlayey warbaahin ta ayaa sheegay inuu weli furan yahay xa dka 2da dal, isla markaana maalin weliba laga soo galiyo Qaad fara badan, isaga oo tilmaamay inay halkaasi ka imaan kato hal is caafimaad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in madaxda HirShabelle ay ka aamuseen inay ka hadlaan ama wax ka qabtaan dhib aatooyinkaasi, si looga hortaga cudurka Coronavirus.

Guddoomiye Barre oo hadalkiisa sii wa ta ayaa ka dalbaday DFS inay xirto dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaalla xadka.

"Halista ugu weeyn ee ku soo socota dadka Hiiraan waxaay uga imaaneeysaa dhinaca dalka aan dariska nahay ee Itoobiya oo xadkiisu nagu furanyahay, ma daxda D/G/Hirshabelle waay ka aamus een inaay ka hadlaan, waxaan baaq adag u dirayaa hay’ada socdaalka iyo madaxda qaranka inaay naga xeraan xadka dhanka Itoobiya, ciidanka qaranka iyo AMISOM ee jooga Hiiraan way ka gaabiyeen inaay wax ka qabtaan halista caafimaad ee ku soo wajahan dadka, xilligaan oo laga baqaayo Karoona faayris ma ahan in aan furano xa duudaha” ayuu yiri Sh.Cismaan Barre

Hadalkaan ayaa imaanaya, iyadoo ma alin walba M/Beledweyne ay soo galaan gaadiid badan oo sida Qaad ka yimaada dhinaca dalka Itoobiya, isla markaana si caadi loogu iibiyo magaaladaasi oo ay ka howlgallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Iran oo cusbooneysiineysa digniinta la xiriirta Coronavirus

Madaxweyne Hasan Rouhani wuxuu ku booriyay Iiraaniyiinta inay sii wadaan ix tiraamka tilaabooyinka looga hortagayo cudurka ‘coronavirus’ maadaama howlaha ganacsiga ay dib uga bilowdeen inta ba dan dalka Dorraad, wakaaladda wararka ee IRNA ayaa werisay. Dukaamo badan, wa rshado iyo qeybo kaloo muhiim ah ayaa dib u bilaabay how lahii dalka oo dhan, ma rka laga reebo caa simada Tehraan, hal kaas oo ay dib uga furmi doonaan 18-ka Abriil.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa sidoo kale dib loo furay, iyada oo 3 meel ood 2 meel ay shaqaalahooda ay yareeye en buuqa. Magaalada Qom, oo ah magaa lo ay ku noolyihiin 1.2 Milyan oo ah kuwii u gu horreeyay ee uu ka dillaacay coronavi rus waddanka Iiraan, ilaa 24,000 ganacsi ayaa la filayaa inay dib u furmaan, TV-ga dowladdu sida uu soo tabiyey.

Jamhuuriyadda Islaamiga waa dalka Bariga Dhexe uu sida daran u saameeyay CVID-19 Cudurka neef-mareenka ah wux uuna la halgamayay inuu yareeyo faafit aanka cudurka. Laakiin dowladda ayaa si doo kale ka walaacsan in tallaabooyinka la gu xadidayo howlaha guud ay khalkhal gal in karto dhaqaalo markii hore cunaqabat eyn lagu soo rogay.

Ganacsiyada khatarta badan leh oo ay ka mid yihiin tiyaatarada, barkadaha daba asha, meelaha dumarka isku qurxiyaan, is kuulada, xarumaha wax laga iibsado iyo maqaayadaha ayaan wali dib loo furin.

Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa wali xiran, waxaana la mamnuucay isu imaatin ka dadka, goobaha cibaadada, iyo ciyaara ha ayaan wali la furin,Hase yeeshe maa mulka caafimaadku waxay ka cabanaya an in dad badan oo reer Iiraan ah ay iska dhego tireen codsiyada ah inay guryahoo da joogaan, iyagoo ka digaya mowjadda 2ad ee cudurkan. Tirada dhimashada Iira an ayaa gaartay 4,357 iyada oo 70,029 xa aladood dalka oo dhan laga helay


Ciidamo Itoobiyaan ah oo weeraro lag ula beegsaday deegaanka Yurkud.

Wararka ka imaanaya G/Bay ayaa she egaya in Ciidamada Itoobiyaan ah lagu we eraray deegaanka Yurkud,xilli dagaalyah annada Al Shabab ay sare u qaadeen dag aalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM.

Ciidamada Itoobiyaanka ee G/Gedo iyo Bay ayaa mar kale wajahaya weeraro dhi ig bixin ah waxaana la soo sheegayaa in la gaarsiiyay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Malintii Dorraad ciidamada Itoobiya oo maraya qeybo ka mid ah G/Bay ayaa la kulmay ugu yaraan lix weerar oo 2 ka mid ah ay ahaayeen weeraro toos ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidama da Itoobiyaanka lagu galay inta u dhexay sa deegaanka Yurkud iyo D/Bardaale oo ka tirsan G/lada Bay iyo Gedo, waxaana gaaray khasaare tiro badan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ay aa sheegaya in qaraxyo is xigxigay lagu weeraray ciidamdaa Itoobiya ka dibna wax aa xigay weeraro jidgal ah, dad xoola dha qata ah oo ku sugan deegaannada lagu dagaallamay ayaa sheegay inay maqlaye en jugta qaraxyo waaweyn.

Dhanka kale Ciidamada Itoobiya oo bi shii Maarso ka soo tallaabay xuduud bee naadka ayaa dagaallo culus kula kulmay waddada xiriirisa D/yinka Doolow iyo Luuq ee G/Gedo, sidoo kale ciidamo gurmad ah aan uga baxay Baydhabo ayaa iyana weer arro culus lagula beegsaday deegaanka Awdiinle.

Xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya oo kasii dareysa

Maalin walba waxaa tiro ka badan laba qof laga helayaa cudurka coronavoirus oo hadda u muuqda inuu si deg deg ah ugu faafayo gudaha dalka, gaar ahaan Muqdi sho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan w/Caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta W/Caafima adka ayaa sheegay in taro dad ah oo qa ba Coronavirus ay aaminsan yihiin inay ku nool yihiin Muqdisho, kuwaas oo aan u im aanin Wasaaradda isla markaana guryaho oda ay iska joogaan.

"Si xowli ah ayuu ugu sii faafayaa Muq disho waxaana ka cabsi qabnaa inuu gaa ro xaalad ka baxsan awooda dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha W/ Caafimaadka Soomaaliya.

2dhaqtar oo ka howlgala Isbitaalada Di gfeer iyo Aadan Cadde ayaa Dorraad bara ha Bulshada ku soo daabacay in laga hel ay cudurka Coronavirus ayna isku karantii leen guryahooda. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la xiray Isbitaalka Digfeer oo ahaa Isbitaalka ugu weyn ee ku yaala G/Banaadir.

W/Caafimaadka Soomaaliya ayaa shee gtay in tirada dadka qaba cudurkaan ay sii kordhayaan islamarkaana kuwa hadda qa ba 2 ka mid ah ay xaaladooda aad u liid ato.

Qofkii 2aad ayaa Shalay cudurka ugu geeriyooday M/Muqdisho, wuxuuna ahaa W/Dowlaha Cadaaladda maamulka HirSh abelle Khaliif Muumin.

Saraakiisha caafimaadka ayaa qaba in shacab badan oo qaba cudurkaan aysan la soo xariirin wasaaradda ayna isku kara ntiileen guryahooda, amay noloshooda ca adiga iska wataan, taasina ay sababi karto in qatarta intaan ka badato.

W/Caafimaadka ayaa la filayaa in Shalay ama berri ay warbixin kale oo cusub kasoo saarto xaaladda cudurka ee dalka.

12-ka April waa xasuus qaran oo ku weyn dadka & dalka (warbixin).

Umad kasta oo kamid ah bulshada ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u lee yihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah oo lagu soo bandhigo taariikjda dhaxal ka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay mid nimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maa lmaha qaran ee loo dabbaaldego Aas-Aas ka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Sanadkii 1960-kii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidamada xoogga dalka oo ah cududda 1aad ee laf-dhabarka u ah bulshada,waxaana xilligaan loo arkaa in ay yihiin kuwo lagu qanci karo qaabka ay u socdaan howlahooda iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoo ga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah ay wada lahaayeen bulshada iyo qaar ka mid ah dalalka dameeya arimaha Soo maaliya,sida Maasar, Ruushka, Talyaan iga,Ciraaq iyo kuwo kale,kuwaas oo ka qe ybgalay diyaarinta iyo qalabeynta ciidamo abaabulan oo wax ka qaban kara guud ah aan ammaanka Qaaradda Afrka,kan gob olka iyo gudaha dalka Soomaaliya. Wax aa markhaati ma doonto ah sanad ihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidama da xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo u howlgalay diyaarinta ciidamo xooga leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka. Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay waxaa lagu guu leystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisya dii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyarocusub oo dhiirri geliyay soo ce linta amniga iyo kala dambeynta,ka dib kolkii dagaaladii sokeeye ee ka dhacay da lka ay saameyn kooban ku yeesheen cii damada. Inkastoo xuska sanadguurada 60-aad ay ku soo beegantay xilli dalka ay ka jira an la tacaalidda cudurada Cronavirus ee loogu magac daray covid 19,haddana wax qabadka ciidanka iyo xasuusta gaarka ah ee ay leeyihiin waa mid ku weyn qalbiyada dadka ,kuna qoran baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya.

Haddaba,iyadoo laga duulayo hakadka galay soo bandhigidda munaasabadda xu ska 12-ka April ee sanadguurada 60-aad Awadeed,Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Md.Farmaajo iyo madaxda Gaashaandhig ga waxay dhambaallo hambalyo ah hawa da u mariyeen dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoog ga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dal ka.

Madaxdu,waxa ay ku ammaaneen ciid amada dadaalka ay ugu jiraan soo celinta amniga iyo doorka ay ka qaateen horuma rka bulshada iyagoo ballanqaaday in loo howlgalayo sidii loo tayeyn lahaa ciidama da isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab militery oo ay ku hawlgalaan iyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddo da shaqo si mustaqbalka dhow ay u hanta an ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga gabagabadii wax aa loogu baaqay in ay 2 jibaaraan howla ha gurmadka ah ee ay u hayaan umadda, gaar ahaan soo celinta nabadgelyada dal ka,iyadoo loo rajeeyay ciidamada in san adkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Weey muuqataa in ay soo hagaageyso xaaladda dalka,sidaa daraadeed haddii la qaato tallooyinka iyo waajibaadyada sha qo ee la siiyo ama horyaalla ciidamada wa xaa suurtagal ah in la helo xaalad nabadg elyo oo bulshada u horseeda horumar ta am ah oo dhinacyo badan.

W/QORAY SHIRE XASAN KULMIYE




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip