Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

0
Friday April 10, 2020 - 20:12:46 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

    Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tabaray ee loo yaqaano Bangaraafta iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-marey deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tabaray ee loo yaqaano Bangaraafta iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-marey deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 40 km u jira Magaalada Kismayao ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad. Dadka deegaanka Baar Sanguuni qaarkood oo diidey in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Qalabka Warabahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay. Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka taageera ku qorey in dagaalka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ay ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip