Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo Amaro soo saarey

0
Friday April 10, 2020 - 20:00:51 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo Amaro soo saarey

    Maamulka dowlada Hoose Caasimadda Galmudug Ee Magaalada Dhuusamareeb Gaar ahaan xafiiska Amniga & siyaasada ayaa soo saarey amar ku saabsan in Dadka leh xoolaha ku dayacan wadooyinka Caasimada in Muddo 48 saacadood godahood ah ay ku xareystaan xo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dowlada Hoose Caasimadda Galmudug Ee Magaalada Dhuusamareeb Gaar ahaan xafiiska Amniga & siyaasada ayaa soo saarey amar ku saabsan in Dadka leh xoolaha ku dayacan wadooyinka Caasimada in Muddo 48 saacadood godahood ah ay ku xareystaan xoolahooda. Guddoomiye kuxigeenka Amniga Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan aruurinta dhamaan xoolaha Iska jiifa wadooyinka Caasimada,isla markaana dadka leh xoolahaaasi laga xareeyey la saari doono ganaax lacageed oo dhan 100 kun oo shilling Soomaali ah maalintiiba. Sidoo kale guddoomiye kuxiegenka ayaa ku amrey guddoomiyaasha shanta Xaafadood ee Magaalada Dhuusaareeb inay dhaqan galiyaan Amarkaan, iyaga oo kaashanaya laamaha Amniga Ee Caasimadda. Ugu dambeyn waxaa uu ku wargeliyey Shacabka ku nool Magaalada dhuusamareeb inay dhawaan bilaabi doonaan Diiwaan gelinta tira koobka Guryaha Caasimadda si loo xaqiijiyo aminigooda, iyada oo Bilaaban Doonta Maalinta Sabtida ah ee soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip