Xildhibaan laga laga helay Cudurka Coronavirus

0
Friday April 10, 2020 - 19:54:34 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan laga laga helay Cudurka Coronavirus

    Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa la xaqiijiyey in laga helay Cudurka Coronavirus,kaas oo lagu Magacaabo Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamewd Cabdiraxmaan Ex-Ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa la xaqiijiyey in laga helay Cudurka Coronavirus,kaas oo lagu Magacaabo Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamewd Cabdiraxmaan Ex-Kaabe ayaa xaqiijiyey in Cudurka Corona laga helay Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow sidoo kalena ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Maamul Goboleedka Hirshabeelle. Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Xildhibaanka laba maalin ka hor la keenay Muqdisho,isla markaana shirarkii ugu dambeeyey oo ay Jowhar ku yeesheen golaha Wasiirada Hir-Shabeelle uu qeyb ka ahaa. Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Risaala la xiriirtey ayaa iyana xaqiijiyey in Cudurka Coronavirus laga helay Xildhibaanka,isla markaana lagu karantiiley Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo inta badan shaacineysay kiisaska la xiriira COVID 19 ayaanan weli shaacin Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Coronavirus laga helay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip