Wasiir Goodax Barre oo walaac ka muujiyey faafida Coronavirus

0
Friday April 10, 2020 - 19:48:35 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax Barre oo walaac ka muujiyey faafida Coronavirus

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurkani uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari . Wasiirka ayaa xusay in uu aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka,balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo. "Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan"ayuu yiri Wasiirka Cabdullaahi Goodax Barre


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip