Calanka Falastiin oo markii ugu horeysay laga taagay Xarunta Qaramada Midoobe (SAWIRRO)

0
Thursday October 01, 2015 - 10:06:39 in Wararka by
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Falastiin oo markii ugu horeysay laga taagay Xarunta Qaramada Midoobe (SAWIRRO)

    Calanka Maamulka Falastiin, ayaa waxaa shalay si rasmi ah looga taagay bannaanka hore Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada New York, waxaana suray Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calanka Maamulka Falastiin, ayaa waxaa shalay si rasmi ah looga taagay bannaanka hore Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada New York, waxaana suray Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas. Madaxweynaha, ayaa waxaa barbar taagnaa Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu iyo masuuliyiin kale. Ban Ki-moon ayaa la arkaayay isagoo dhoola-cadeynaya, wuxuuna Madaxweynaha Falastiin uu ugu yeeray in Calanku uu la soo baxo, isla-markaana uu ku dhiirado in uu ka taaggo booskii loogu talla-galay.

Madaxweynaha Falastiin oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe kaga soconaya Magaalada New York, ayaa shalay ku tilmaamay maalin mudan in lagu mahdiyo.

"Maanta waa maalin la mahdiyo in Calanka Falastiin laga taaggo Xarunta Qaramada Midoobe. Waana wax wanaagsan in la soo dhaweeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Falastiin shalay oo u ahyed markii calnka falastiin laga dul taagay Xarunta Qaramada Bidoobay .

Madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqay wixii maanta/shalay ka dambeeyay inaanay dadka reer Flaastiin u hogaansami doonin heshiiskii, ay la gaareen Maamulka Yahuudda, sanadkii 1993-kii.

Mahmoud Abbas, ayaa sheegay Falastiin inaanay wax wada hadalo ah la furi doonin Maamulka Yahuudda, illaa iyo inta ay adeegsanayan awood militari.

"Illaa iyo inta ay Israel diidan tahay heshiiskii ay inala saxiixatay, oo dhigaayay inaanu noqo laba dowladood oo jaar ah, iyadoo aysan wax awood ihi jirin, illaa inta Israel diidan tahay xasilooni ka dhacda Bariga Dhexe, xoriyadooduna ay ka siinayso dhalinteeda ku jirta xabsiyadeeda. Anaga ma sii ahaan doono kuwa keliya ee ilaaliya heshiiska, inta Israel si joogto ihi ugu xadgudbayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Mahmoud Abbas, ayaa dhinaca kale sheegay inay midayn doonaan Daanta Galbeed iyo Gaza, oo kala go’an. Gaza waxay ku jirtaa cunaqabateen uu Maamulka Yahuuddu saaray sanadkii hore.

Boqolaal ka mid ah shacabka reer Falastiin, ayaa waxay caawa isugu soo baxeen Magaalada Ramallah, xilli ay sare u lulayeen Calanka Falastiin. Wado laga shiday TV laga daawanaayay khudbaddii Madaxweynaha Falastiin, ayaa waxaa la arkaayay sida ay ula dhacsan yihiin dadka reer Falastiin.

Dadka reer Falastiin, ayaa si weyn u soo dhaweeyay in Calankooda markii ugu horeysay laga taaggo afaafka hore ee Xarunta Qaramada Midoobe, waxayna maanta u ahayd maalin taariikhi ah, oo taariikhduna ay xusi doonto.

Falastiin Falastiin1 The Palestinian flag flies after being raised by Palestinian President Abbas in ceremony at the United Nations General Assembly at the United Nations in Manhattan, New York Falastiin3 Falastiin4Falastiin5 Falastiin6 Falastiin7 Falastiin8 Falastiin9




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip