Booliska & Nabad Suggida Galmudug oo gudaha u galay Baxdo (SAWIRRO)

0
Thursday April 09, 2020 - 20:14:52 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska & Nabad Suggida Galmudug oo gudaha u galay Baxdo (SAWIRRO)

    Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, iyagoona xalay illaa saaka hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay. Labada ciidan ayuu ujeedkoodu ahaa in ay hawlgalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Galmudug oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, iyagoona xalay illaa saaka hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay. Labada ciidan ayuu ujeedkoodu ahaa in ay hawlgalada kaga hortaggaan kooxaha lagu eedeeyo inay dadka dhibaateeyaan, xilliyada qaarkood. Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in labada ciidan oo gaadiidka dagaalka wata ay yimaadeen deegaankaasi, isla-markaana ay ka sameeyeen hawlgalo amniga lagu suggayo. Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska ayaan wax war ahi ka soo saarin hawlgaladooda Deegaanka Baxdo, waa haddii ay dad ku soo qab qabteen iyo haddii kalaba. Maamulka Galmudug ayaan si rasmiya uga hawlgelin Deegaanka Baxdo, balse waxaa xilliyada qaarkood si kedis ah ku tagga xoogaga amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip