Xaaf oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb, kaddib safar kooban uu ku tagay Gaalkacyo

0
Thursday April 09, 2020 - 20:03:58 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb, kaddib safar kooban uu ku tagay Gaalkacyo

    Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii maalin ka hor uu safar lama filaan ah uu ku tagay Gaalkacyo, kaasoo ahaa mid kooban. War ka soo baxay Xafiiska Madaxwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii maalin ka hor uu safar lama filaan ah uu ku tagay Gaalkacyo, kaasoo ahaa mid kooban. War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynihii hore Galmudug ayaa lagu sheegay in sababaha uu dib ugu laabtay Gaalkacyo ay tahay arrimo u gaar ah, haatanse uu dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb.                Madaxweyne Xaaf ayaa Dhuusamareeb ka bilaabi doona kulamo kala duwan, sidii horay loogu soo ambaqaadi lahaa dadaalada dib u heshiisiineed iyo soo afjarida khilaafkii siyaasadeed, waxaana dhowaan uu shaaciyay inuu danta Galmudug u tanaasulay.

               Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dib ugu laabashadii Xaaf ee Gaalkacyo, inkastoo lagu tilmaamay sababo u gaar ah.

"Madaxweyne xaaf safar u gaar ah ayuu ugu baxay gaalkacyo, dib ayuuna ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Xaaf.

              Si kastaba ha ahaatee waxaa Galmudug ka socda dadaalo dib u heshiisiin oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyay maamulkaas, waxaana dadaaladaas si guud uga qeyb qaatay dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug oo muujiyay biseyl siyaasadeed iyo isku soo dhowaansho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip