Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada-hadallada DFS

0
Thursday April 09, 2020 - 19:57:34 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada-hadallada DFS

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa maanta si wada-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa maanta si wada-jir ah shacabka ula hadlay, waxana ay si xeeldheer uga hadleen wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo iyo cida xaqa u leh inay ka hadasho. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu caddeeyey mowqifka Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho Dowladda Federaalka soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado, "Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hadal soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda'iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare," ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

        Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi, waxa uu beeniyey hadallo uu sheegay inay yihiin tashuush oo lagu dhex tuuray Bulshada ee la xiriira wada-hadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ahi sheeganayaan inay u tafo xaydatay ka miro dhalintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,

    "Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad IGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tiri shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xiriirtay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

       Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu usoo jeediyey inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada qalloocan ee ay marayaan,

     "Madax dhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip