Maamulka Gobolka Banaadir oo baaraya qof kasta oo ku dhinta Muqdisho

0
Thursday April 09, 2020 - 19:51:25 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo baaraya qof kasta oo ku dhinta Muqdisho

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta Muqdisho, si loo hubiyo haddii uu u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo in kale. Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha bulshada B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta Muqdisho, si loo hubiyo haddii uu u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo in kale. Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha bulshada Basma Caamir ayaa shaacisay in amarkan loogu tala galay sidii loo xakameyn lahaa cudurkan, isla markaana looga hortagi lahaa in aanu sii faafin cudurka Coronavirus. "Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas"ayay tiri Basmo Caamir. Hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa sida uu ku suura geli karo amarkan, maadaama ay jiraan dad ku geeriyooda meelo aan aheyn Isbitaalada, sida guryaha iyo meelo ka baxsan Muqdisho. Guddoomiye Basmo ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in amarkan aanu ujeedkiisa aheyn in aan la aasi karin qof meyd ah, balse uu yahay marka hore la baaro qofka waxa uu u geeriyooday, si aanu cudurka haddii qofka u dhintay loo ogaado oo aanu bulshada dhexdeeda ugu sii faafin. Wasaaradda Caafimaadka ayaa shalay xaqiijisay in qofkii u horreeyay uu u geeriyooday cudurka Coronavirus, kaasoo ah bukaan 58 sano jir ah, waxaana la karantiilay dhammaan dadkii ka ag dhowaa bukaankaas.

         




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip