HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-4-2020

0
Thursday April 09, 2020 - 09:52:59 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-4-2020

    DF oo shaacisay in Coronavirus uu ku dhex faafayo bulshada Muqdisho iyo kiisas cusub oo la helay War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaar adda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sha aciyey in cu durka Coronavirus uu k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DF oo shaacisay in Coronavirus uu ku dhex faafayo bulshada Muqdisho iyo kiisas cusub oo la helay War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaar adda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sha aciyey in cu durka Coronavirus uu ku faa fayo gudaha dalka, gaar ah aan magaalada caas imadda ah ee Muqdisho. Ilaa afar kiis oo cusub ayey shaacisay wasaaraddu "Waxay wasaaraddu xaqiijisay Shalayy 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19, taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigay sa 12 kiis" ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaad ka. Qoraalka wasaaradda waxaa lagu shee gay bulshadu aysan ka digtooneyn cudurka, taas oo ka liftay in si fudud ay isku qaadsi iyaan. "Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)" Afarta ruux ee Shalay laga helay cudurka Coronavirus ee wasaaraddu shaacisay dha maantood waxaa lagu sheegay war-saxaaf adeedka in aysan dalka meelna uga bixin. Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa la gu xaqiijiyey in laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda ay ka mid yih iin dadka laga helay xanuunkan. "Waxaa kamid ah dadka laga helay cud urka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wa saaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhi gaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan in ta laga xaqiijinayo baaritaankooda"ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka wa xa ay qoraalkan ku xaqiijisay in qofkii ugu ho reeyey uu Shalay cudurka Coronavirus ugu geeriyoday gudaha dalka,gaar ahaan M/ Mu qdisho, kaas oo aan dalka meel uga bixin. "Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xa riirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horrays ay dalka gudihiisa"ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda caafimaadka waxay sheeg tay inay ku mashquulsan tahay raadinta dad ka ay xariirka la sameeyeen dadkan cusub ee laga helay cudurka, iyaga oo ku sugan gu daha dalka oo aan sameyn wax safarro diba dda ah. "Wasaaraddu waxay bulshada Soomaali yeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryoho oda ku ekaadaan kana taxadaraan caafima adkooda iyo badqabkooda.Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca til maamaha caafimaad ee sida joogtada ah idi inla wadaagayso Wasaaradda Caafimaad ka" ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
USA: Tiradii ugu badneyd Maalin Guda heed u geeriyootey COVID 19

Mareykanka ayaa jabiyay rikoorka dhima shada ugu badan ee coronavirus-ka maalin gudaheed iyadoo 1,736 qof ay geeriyoodeen 24 saac ee lasoo dhaafay.

Waxay tirada guud ee dhimashada dalka Marekanka ka dhigaysa 12,722, sida lagu sheegay xogta jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa leh in ka badan 398,000 kiis oo la xaqiijiyay, waana tirada ugu badan adduunka. Kiisaska adduunka ayaa dhaaf tay 1.4 milyan. Si kastaba ha noqotee intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa'id Madaxwey ne Donald Trump wuxuu yiri Mareykanka wa xaa laga yaabaa inuu gaaro meesha ugu sar reysa ee dhibaatada Covid 19.


Dhanka kale Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, oo ah halka uu cudurka ka soo ifb axay, ayaa soo afjartay 11-toddobaad oo xaald xun ay kujireen.

Tirooyinka cusub ee lagu dhawaaqay Tal aadadii waxay kuxiran yihiin rikoorkii hore ee 1,344 oo la diiwaan galiyay 4tii April.

Tirada dhimashada ee la diiwaan geliyay 24 saac ee lasoo dhafay ayaa la filayaa inay sare u kacdo iyadoo gobollada qaar aan wali la diiwaan galin tirada guud.

Qoyska heesaaga u dhashay Mareykanka John Prine ayaa xaqiijiyay geeridiisa ka dib dhibaatooyin la xiriira coronavirus oo uu waj ahay xanuunkaan. Prine wuxuu ku dhintay Magaalada Nashville Talaadadii isagoo da' diisu ahayd 73 jir. Xaaskiisa ayaa laga helay cudurka 'coronavirus'

Si kastaba ha noqotee Prine ayaa la dhi gay isbitaal bishii hore iyadoo laga helay ast aamo badan.
Bernie Sanders oo ka haray u tartanka Doorashado Madaxtinimo

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharr ax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqra adiga ee doorashada madaxtinimo ee Marey kanka ayaa Arbacada Shalay ah ku dhawa aqay inuu ka haray tartanka.

Go’aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Mad axweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo mu sharaxa la baratami doona Madaxweyne Do nald Trump doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 3-da bisha November ee sanad kan.

"Waddada guushu waa mid aan macquul aheyn,” ayuu Sanders ku yiri khudbad dhan ka internet si toos ah looga daawanayay oo uu ugu talogalay taageerayaashiisa isaga oo ku sugnaa Magaalada Burlington, ee gobol ka uu senate-ka ku matalo ee Vermont.

"Waxaan ku soo gunaanaday in dagaalkan magacaabidda musharaxa xisbiga dimoqra adiga uusan noqoneynin mid guuleysta. Sid aas darteed, waxaan haatan ku dhawaaqa yaa inaan joojiyay ololahayga,” ayuu yiri.

Sanders oo ah 78 jir isku tilmaama Dim uqraadi, hanti wadaag ah aya hogaaminayay codbixintii ugu horreeyey ee dhowr gobol oo Mareykanka ah ay ku door anayeen musharaxa xisbiga Dimuqraadiga.Laakin waxuu olohiisu galay xaalad quus ah markii uu ku guuldareystay gobolka South Carolina dham maadkii bishii February xilligaas oo Dimuqr aadiyiintu ay awooddooda isugu geeyeen taageerada Joe Biden.

Danjire Fiqi oo ka jawaabay SU’AAL ay dad badani iska weydiinayeen

doorashadiisa

Danjire Fiqi oo ka jawaabay SU’AAL ay dad badani iska weydiinayeen doorashadiisa

Baydhaba G/Baarlamaanka K/ Galbeed Cali Saciid Fiqi, ayaa ka jawaabay su’aal ay dad ba dani is weydiinayeen, ka hor iyo ka dib-ba markii uu qabtay xilkaasi.

Midda dadka u cuntami weyday, aadna ay wax isaga weydiinayeen ayaa ahayd, isagoo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed, ka dibna loo doortay inuu noqdo G/Baarlamaanka K/G,xilli uu horey u ahaa Danjiraha Soomaaliya ee M/Yurub. Inta uu xi lkaasi iska celisay ayuuna wax ka dayay Ba arlamaanka K/Galbeed, taasoo hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada.

G/B/K/Galbeed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay sababta uu xilkan u qabtay, xilli uu ahaa diblomaasi sare ayaa sheegay in diblomaasiyadda ka horba uu ahaa nin sa ynisyahan ah.

"Horta intaan diblomaasiyadda aan qab an, waxaa ka horeysay inaan ahaa qof sayn isyahan ah, cilmi baare ah, taa nafteeda wa an ka soo tagay. Wadankii Soomaaliyeed oo aan aniga ka dhashay in intaan taakulayn ka ro, taakuleeyo, haddana waxaan gartay inay muhiim tahay in waddanka gudahiisa wax la ga qabto,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray "Wa xaad ogaataa waddankan waa federaal, Ma amul Goboleedyada haddaan la dhisin dowl ad federaal oo adag ma jireyso.”

Hase ahaatee

Mar Cali Saciid Fiqi ay BBC wax ka wey diisay in D/Federaalka ay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii uu xilkan ku qaban lahaa ay aa waxa uu ku jawaabay "Horta meeshaan qarash ku baxay maleh, doorashadan waa doorashada keliya ee buuq ka dhicin, do orashooyinkii ugu dambeeyay, waxa la she egaayana aysan jirin,”

Dhanka kale waxaa uu qiray inuu ka tirs an yahay Xisbiga Nabad & Nolol ee talada dalka haya, balse inuu xilkan qabto ayuu sa babteeda dusha u saariyay inuu lahaa Mada xweynaha KG,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

"Nabad & Nolol run waaye waan ka tirsa nahay, oo dowladdii baan ahay, laakiin mee shaan aan imid sababteeda waxaa iska la haa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.” Ayuu yiri Fiqi.

Xaaf oo dib ugu laabtey Dhuusamareeb,kana hadley safarkiisii Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee D/G/Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa xalay dib ugu laabtey M/Dhuusamareeb ee Caas imadda Galmudug,kadib markii habeen ka hor uu safar deg deg ah ku tegay M/Gaalka cyo.Md.Xaaf oo sheegay in uu u tanaasuley Shacabka Galmudug ayaa maalma ka hor waxaa uu tegay M/dhuus amareeb,isaga oo kulan la qa atey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

War Kooban oo kasoo baxey Xafiiska Ma daxweynihii hore ee D/G/Galmudug ayaa la gu sheegay in safarka deg dega ahaa ee uu ku tegay M/Gaalkacyo uu ahaa mid isaga u gaar ah,hayeeshee uu dib ugu laabtey Dhuu saZareeb.

"Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay safarka Madaxweynaha balse waxaa nu u cadeyneyna in arimo gaar u ah isaga uu u baxay Madaxweynuhu dibna ugu soo la abtay Caasimada ayaa lagu yiri”Warka ka soo baxey Xaaf.

Maalmaha soo socda ayaa la filaya in Xaf lad kooban lagu qabto M/Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isla markaana uu xi lka sirasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha la doortey ee Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye Qoor Qoor.

Madaxweynaha Puntland oo ka mahad celiyay deeq caafimaad oo ka timid

Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Maamulka Puntland Sac iid C/llaahi Deni oo uga mahadceliyay Imaa raadka Carabta Agab Caafimaad oo loogu ta lagalay xakameynta iyo ka hortagga Coron avirus, kaasoo Imaaraadku ugu deeqay Punt land. Diyaarad siday agabka caafimaad ayaa Shalay ka de gtay M/Boosaa so, waxaana la wareegay agabka as Guddiga qaabi lsan Ka hortagga Cudurka Coronavirus ee Puntland.

"Waxaan uga mahad celinaya Imaaraad ka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo Shalay Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xak ameynta iyo ka hortagga Coronavirus”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Md.Deni oo ka hadlayay sida xilligan ad duunka dagaal ugu jiro COVID-19 ayaa she egay in loo baahanyahay in la iska kashado Ka hortagga Cudurkaasi, isla markaana ay aad uga mahadcelinayaan Dowladda Imaara adka in agabkan soo gaarsiisay xilli aad loo gu baahan yahay.

Imaaraadka ayaa Shalay ka dejiyay M/ Hargeysa Somaliland deeq caafimaad oo is ugu jirtay qalabka looga hortago cudurka Coronavirus iyo agabka ay isticmaalaan shaqaalaha Daryeelka.

Waa deeqdii 2Aad oo caafimaad oo Ima araadka soo gaarsiiyaan Maamulada Puntl and iyo Somaliland oo xiriir dhow ay la leey ihiin. Deeq caafimaad

Wasaaradda Waxbarashada oo ku dha waaqday in la joojiyay waxbarashadii

sanad-dugsiyeedka 2019/20

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa Shalay soo saartay go’aano la xiriira dhanka waxbarashada, iyadoo la tixgelinayo xaalada caafimaad ee dalka iyo addu unka ee ku aadan cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

War saxaafadeedka Wasaar adda Waxbara shada ayaa lagu sheegay in la joojiyay qaa dashada casharada ee waxbarashadii dus giyada ee sanad-dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo 4 isbuuc ah.

Sidoo kale Ardayda sanad-dugsiyeedkan dhammaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay duruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqayay xiritaanka dusgiyada oo ku beegneyd 19 Maarso 2020.

W/waxbarashada ayaa ku wargelisay ard ayda iyo macalimiinta xilliga la qaadayo imti xaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2019/2020, waqtiga la qaada yo,xilliga la qaadayo, xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaanka in dib laga soo sheegi doono.

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqey Itoobiya

Itoobiya waxaa ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo looga jawaabayo cudurka ‘cor onavirus’ (COVID19),kaas oo kiisas kamid ah laga helay gudaha dalkaas.

Tallaabadan ayaa timid, iya da oo tirada kiisaska COVID19 ay muujisay koror degdeg ah oo dalka ah, sida lagu sheegay ba yaan ay soo saartay dowladda.

Itoobiya illaa iyo hadda waxay diiwaan ga shatay 52 kiis oo la xaqiijiyey, iyada oo ay dhinteen laba qof halka ay ka Caafimaadeen Afar Ruux.

In kasta oo ay jiraan tallaabooyin kala du wan oo ay qaaday xukuumadda, haddana xogtu waxay muujineysaa koror degdeg ah oo cudurrada COVID-19, ayaa lagu yiri ba yaanka.

Xaaladaan deg dega ah ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameyna yo faafitaanka fayraska, iskuulada iyo jaama cadaha ayaa la xirey,iyada oo Shaqaalaha aan muhiimka aheyn loo sheegay inay Gur yahooda ku Shaqeeyaan.

Trump oo weerar culus ku qaaday Tedros Adhanom

Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Ur urka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaank eeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yi mid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay in uu ka joojinayo maal-gelinta. "Waxaa aad ig aga yaabay inaan ogaaday ololaha dowlad da Mareykanka ee ka dhanka ah hoggaanka WHO,” ayuu Moussa Faki Mahamat ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

"Ururka Midowga Africa wuxuu si buuxda u taageersan yahay WHO iyo Dr Tedros,” ayuu yiri Mahamat, isaga oo tixraacaya aga asimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyes us oo u dhashay Ethiopia.

Isaga oo weriyayaasha la hadlaya ayaa Trump wuxuu Talaadadii sheegay in WHO "ay u muuqato inay u eexaneyso China,” isla markaana dowladdiisa "ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,” Mareykanka waa dalka maal-gelinta uga badan uu ka helo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Trump ayaa si gaar ah u cambaareeyey tala da ay WHO kusoo jeedisay inaan la xadidin duulimaadyada caalamiga ah si loola tacaalo faafitaanka cudurka Coronavirus, oo kasoo billowday China.

Ayada oo uu sii xumaaday faafitaanka cu durka ee gudaha Mareykanka, ayaa China waxay dhalleeceyn xooggan kala kulantay xubnaha Jamhuuriga, oo ku saabsan sida ay ula tacaashay cudurka, waxaana Trump uu shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas.

Faki ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay isku xiraan jawaabahooda ka dhanka ah faafitaanka cudurka. AFP + VOA

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Caafimaad ee Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris John son ayaa ku jira maalintii labaad daryeel,isaga oo ku jira Qolka ICU-da ee la dhi go dadka Bukaanada daran ah. Waxa uu dareemayaa hadda deganaa sho kadib markii lagu taageeray ogsijiin si uu u neefsado.

Johnson, oo laga helay cudurka Covid19 ku dhawaad laba toddobaad ka hor, iyadoo loo qaaday isbitaalka St Thomas ee ku yaal bartamaha London, madaama uu dareem ayey qandho daran iyo qufac, laakiin xaal addiisa ayaa ka sii dartay saacado kadib oo waxaa loo wareejiyay qaybta daryeelka degdegga ah.

55 Sano jirkan ah hoggaamiyaha Ingi riiska ayaa ayaa dalkiisa waxa uu wajaha yaa halista cudurkan Safmareenka ah, iya doo xukuumadiisa ay qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo Cudurkan.

Rag lagu eedeeyey khalqal gelin Amni oo Muqdisho lagu soo Bandhigey

Maamulka D/Wadajir iyo taliska Booliska degmadaas ayaa waxaa ay sameyeen howl gallo lagu soo qabqabtey kooxo la sheegay inay khalqal amni ku haayeen de gmadaas.

Maamulka oo uu hor eeyo G/Degmada iyo Taliyaha Saldhiga ay aa Shalay 7 dha linya ro oo ku Hubeysnaa Mindiyo iyo Baan-gado ku wareejiyay Xeer Ilaalinta Qaranka.

G/Degmada Wadajir Maxamed C/raxma an Cali ayaa sheegay in raggaan ku hubeys naa Mindiyaha & baangadaha ay degmada ku hayeen khalqal amni, isla markaana laga soo dacwoodey.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa fariin di gniin ah u diray dhalinyarada ku hubeysan Mindiyaha iyo Baangadaha Ee Amniga Rab shadaha ku wada In la marsiin doono Shar ciga.

Kenya oo gubtay qaad ku kacaya $234,802, loona soo waday Soomaaliya

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gubay Qaad la doonayey in loo soo gu dbiyo gudaha Soomaal iya. Jaadka oo lagu siday 2Doomood ayaa waxaa gacanta ku dhig ay ciidamadaBadda Kenya ee ka howlgala G/Lamu, gaar ahaan biyaha B adweynta Hindiya.

Sarkaalka D/Kenya uga wakiilka ah gobo lkaasi oo lagu magacaabo Irungu Mac haria ayaa sharraxaad ka bixiyey, sida lagu qaab tay Qaadkaasi.

"Dambiilayaashu waxa ay sheegteen in M/ Kiunga oo ku taal Soohdinta Lamu ee Som aliya ay u wadaan Geedaha la isku daa we eyo, balse waxa aan ka warqabnay Gana cs igooda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya ay u soo gudbiyaan” ayuu yiri Macharia.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taal 2da ay tahay mid lagu dhaqan-gelinayo go’ aankii lagu mamnuucday isu gudubka dalal ka, sababo la xiriira Corona.

"Dadku waa ay ogyihiin oo waa ay la soc daan in Dowladdu mamnuucday isu gudub ka Dalalka, sababtu waa go’aanka lagu xaka meynayo Faafidda Xannuunka Coronavirus, sidaas oo ay tahay waxa aan xadideynaa dhaq-dhaqaaqyada nuuc waliba si go’aanka uu dhaqangalo”. ayuu markale yiri Irungu Ma charia. Qaadka la gubay ayaa wuxuu ku kacayey lacag dhan 25 milyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta $234,802. Soomaaliya ayaa inta aysan mamnuucin duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa guda ha wuxuu Qaad fara badan maalin-walba u ga imaan jiray dalka Kenya, balse waxaa la joojiyey markii kiisas ka mid ah Coronavirus laga helay gudaha Magaalada Muqdisho.

Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Wararka laga helayo G/Sh/Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa M/Afrika ee AMISOM qarax khasaaro geystay lagula eegtay wadada xiriirisa Mag aalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe. Qaraxa oo ahaa mina da nooca dhulka lagu Aaso ayaa agagaarka Tuulada Gololeey oo ku taalla dhinaca Waq ooyi ee degmada Balcad lagula eegtay Cidi amo ka tirsan kuwa Burundi oo ka baxay de gmada Balcad kuna wajhnaa M/Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Burundi xilliga qaraxa lala ee ganayay ay ahaayeen kuwo wadada lugey nayay oo howlgal ku jirey,hayeshe aysan ca deynkarin khasaaraha ka dhashay qaraxasi .

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa,iyaga oo sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo kamid ah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

G/le Sare Shuute oo bixiyey amar looga hortagayo colaada Wanlaweyn

G/maxkamadda CQS ee Soomaaliya, G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Wanlaweyn ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaa day magaaladaasi. Shuute oo kul an gaar ah la qaatay maamulka iyo odoyaasha dhaqanka ayaa wuxuu u sheegay inaan loo dul-qaadan doonin sii socoshada coladaasi, isa ga oo tilmaamay in cadaalada la horkeeni do ono dadkii ka dambeeyey dhibaatooyinkii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu amray ciidamada DFS, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababar an ee Danab oo dhowaan la geeyey Wanla weyn in ay maleeshiyaadka weli dhibaatada ka wada degmadaasi ku soo qabtaan nolol ama geeri mid-kood.

"Ciidamada Danab ayaan u dirtay Wanla weyn, waxaana amarnay inay tallaabo ka qa adaan dadka ku lugta leh dagaal beeleedya da dhacdooyinka naxdinta leh laga dhaxday, waxaan sidoo kale amarnay in Nolol ama Ge eri ay kusoo qabtaan Shaqsiyaadka dhibaa tada wada, xitaa waxaa uu amarkaan taaba naa dadka difaacaya” ayuu yiri G/Sare Shuu te Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la jo ogo doorka maxkamadda ciidamada, maad aama la dhibaateeyey dad birimageydo ah oo aan waxba geysanin.

Ugu dambeyn wuxuu carrabka ku dhuftay in maalmaha socdo ay maxkamadda ka soo hor muuqan doonaan shaqsiyaadkii geystay gubidda, dilalkii ka dhacay halkaasi, Maalm ihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacdooyin argagax leh lag soo warinayey D/Wanlawe yn oo ay ka soo cusboonaadeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeya laba beelood.

Somaliland oo diiwaangelisey Xubno ka qeyb qaata ka hortaga COVID 19

Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa Shalay daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19. Munaasibad lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwa angelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caaf imaadka Soomaaliland Cumar Cabdillaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ay aa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadka ni leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoon tiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunk ani jiro.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaad iyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loo gu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafima adka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqo on caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirf adleyaal aqon buuxda u leh arrimaha cafimaad ka.


Coronavirus: "Ruux kasta oo Muqdisho ku dhinta waxaan ka baareynaa calaa madaha coronavirus"

Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus.

Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya.

Laakiin tallaabadan ayaa su'aalo badan la iska weydiinayaa sida ay suurtagal ku noqoneyso, xilli la ogyahay in dad badan ay magaalada ugu dhintaan xanuunno kala duwan, intooda badanna ay ku geeriyoodaan guryahooda ama meelo ka baxsan isbitaallada.

Qaar ka mid ah su'aalahn ayaan weydiinnay, Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir.

Iyadoo sharraxeysa amarrada lasoo rogay ayey tiri: "Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas".

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood.

"Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel Shalay naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo", ayey tiri.

Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn "lama aasi karo qof meyd ah".

isku darka kiis oo coronavirus ah ayaa ilaa hadda laga helay Soomaaliya, walina ma jirto cid ilaa hadda la xaqiijiyay inay cudurkaas ugu geeriyootay gudaha Soomaaliya.

Shalay waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah.

Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa Shalay shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo inay qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadashay Warbaahinta ku hadashada afka dowladda ayaa sheegtay in hadda wixiii ka dambeeya dadka lagu tuhmo in ay qabaa xanuunka coronavirus lagu baari doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibediisa.

Arrintan ayey wasaaraddu ku micneysay in hadda ay heshay qalab casri ah oo cudurkaas lagu baari karo.

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqday inay raacaan talooyinka caafimaad.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada uu saameynta ugu yar ku yeeshay Covid-19 ee ku yaalla bariga Afrika. Dhammaan dalalka dariska la ah ayaa laga soo tabiyay kiisas badan oo Covid-19 ah.

Booliska Jubbaland oo bilaabey dhaq an gelinta Ammaro soo baxey

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bilaabey inay fuliyaan amar kasoo baxey guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus,kaas oo ahaa in la joojiyo Goo baha ay Bulshada isugu timaado.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa tegay Xeebta M/Kismayao oo dad badan isugu yimaadaan iyo Goobaha Maqaaxiyaha ah iyo goobo ka le,iyaga oo dadka ku amrey inay guryah ooda aadaan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Jubba da Hoose Maxamed Naasir Guulleed Xasan ayaa u sheegay qaar kamid ah Shacabkii ay Ciidamada la kulmeen in qof walba looga baahan yahay in uu Hoygiisa ku nagaado.

Sidoo kale waxaa uu dadka uga digey inay tagaan Goobaha la isugu yimaa do,isaga oo sheegay in cid allaaha ciddii ful in weysay amarka Guddiga ka hortaga Cud urka Coronavirus tallaabo laga qaadi doono


MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA PUMT ILAND OO KA TACSIYEY GEERIDA FANNAAN XUDEYDI


 


Madaxweynaha Puntland Siciid C/Deni oo ku hadlaayay magaciisa, kan Goleyaasha iyo kan shacabka Puntland ayaa waxaa waxa uu ka tacsiyeey ay geerida Alle ha u naxariis tee Maxamuud Ismaaciil Xus een (Xudeydi) oo ku geeriyoo dey M/Lodon ee dalka Ingiriiska, ka dib caabu qa Covid-19 oo haleelay maalmo uun ka hor.

"Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) waxa uu dhashay sanadkii 1928-dii waxa uu noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobc inta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed, waxa uu lafdhabar u ahaa fana aniinta da’yarta ah ee usoo kacday hiddaha iyo dhaqankeena. Waxa uu ahaa dhiirigeliye khibr ad badan u leh suugaanta, isagoo muddo dhe er kusoo dhexjirey fanka” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu mar kale uga tacsiyeeyay shacabka Soomaali yeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoys askii uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi), wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabri ga u sakhiro, Jannadiisa

Fardowsa ka waraab iyo. Aamiin Aamiin


XIRIIRKA KUBBADDA CAGTA OO MUNASABAD DUCO AH U SAMEYNAYA CAYAARYAHANO QARAN OO DHAWAAN GEERIYOODAY


Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ay aa munaasabad duco ah u sameynaya cayaa ryahanno qaran oo dhawaan geeriyooday, sida uu shaaciyay, xafiiska war faafinta xiriirka kubb adda cagta Soomaaliya.

"Munaaabadda waxaa qorshuhu yahay inay ka dhacdo M/Muqdisho maa linta Sabtida ah ee bisha April tahay 11. Wax aan xusuusan doonaa una duceyn doonaa 3 cayaaryahano hore ahaa oo sumcad weyn ku lahaa kubbadda cagta Soomaaliya oo dham aantood geeriyooda mudd 3 usbuuc ka yar gu deheed”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta xirii rka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Islaw oo war saxaafadeed soo saaray

"Waa murugo aad u weyn in aan weynay 3saaxiib oo waaweyn, ahaana cayaaryahano qaran oo muddo usbuuccyo gudohood ah gee riyooday. Waxay kala yihiin Ibraahim Maxa med xersi oo ku geeriyooday dalka Mareykan ka 14-kii Maarso, Cabdulqaadir Maxamed Faar ax oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska, 24-kii Maarso iyo Saciid Maxamed Ducaale oo ku ge eriyooday dalka Yemen 1-dii bishan April”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xir iirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Munaasabadda ducada ah ee loo qabana yo 3da cayaaryahan ee hore waxaa ay subax da Sabtida ka dhici doontaa M/Muqdisho, wax aan kasoo qeyb geli doona masuuliyiin sar sa re oo ka tirsan hoggaanka isboortiga dalka.

Wasiiradda dhallinyarada iyo cayaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, guddoom iyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Ca bdiqani Saciid Carab, ku xigeenadiisa Cali Cab di Maxamed, iyo Cabdullaahi Sheekh Nuur Ax med iyo guddoomiyaha Olombikada Soomaali yeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa hogga min doona munaasabadda ducada ah waxaa na ku biiri doona, Xoghayaha Guud ee Olombi kada Soomaaliyeed,Maxamed Cabdow Xaaji, xubhana guddiga fulinta xiriirka kubbadda cag ta Soomaaliya, guddoomiyeyaasha xiriirrada cayaaraha dalka, guddoomiyeyaasha naadiya da kubbadda cagta, garsooreyaal iyo xubno ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya.

Somali Football Federation Media Department. Email:info@somsoccer.com

XIGASHO:SOMALIWEYN.COM


 


OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTAGANACSIGA


BIDVEST

 

OGAYSIISKA HALKAN HALKAAN wuxuu siiyaa calaamada kor ku xusan (BIDVEST) is the property of BIDVEST INDUSTRIAL HOLDINGS (PTY) LTD, Incorporated in South Africa of Third Floor, Bidvest House, 18 Crescent Drive, Melrose Arch, Melrose, Johannes iyo in isla sumadda ganacsi loo isticmaalo badeecada soo socota:

 

Fasalka 35: Adeegyada xayeysiinta, maamulka ganacsiga iyo maamulka, macluumaadka ganacsiga iyo cilmi baarista, howlaha xafiiska, wakaaladaha macluumaadka, adeegyada qiimeynta, adeegyada qiimeynta, adeegyada saadaalinta, qiimeynta suuqgeynta, daraasadaha suuqyada, ra'yi dhiibashada, talo bixinta iyo adeegyada la talinta; suuqgeynta xiriirka; adeegyada la xiriira qabanqaabada, soo bandhigida, dallacsiinta, abaabulka iyo qabashada xafladaha ganacsiga, bandhigyada, suuqyada, bandhigyada, bandhigyada iyo bandhigyada ujeeddooyinka ganacsiga ama xayeysiinta; xiriirka dadweynaha; tafaariiqda, jumladaha, iibinta meheradda iyo adeegsiga alaabada; adeegyada la xiriira la talinta, bixinta iyo tayeynta badeecooyinka; xulashada iyo soo bandhigida alaabada; talo iyo kaalmo kuwa mustaqbalka iibsanaya ee alaabadaas oo kale; isu keenista, danta dadka kale, oo ah badeecooyin kala duwan, u suurta gelinta macaamiisha inay si ku filan u daawadaan una iibsadaan alaabadaasi; iibinta iibinta iyo iibinta badeecada tafaariiqda iyo iibinta jumladaha; adeegyada ganacsiga ee xaga saadka gaadiidka

 

Fasalka 36: Caymiska, arrimaha dhaqaalaha; arrimaha lacagta; arrimaha guryaha; adeegyada maaliyadeed, bixinta adeegyada kaarka deynta, dammaanada maaliyadeed, macaamil maaliyadeed, adeegyada kireynta iyo kiraynta iibka, iibinta amaahda iyo maalgelinta amaahda oo dhan.

 

Fasalka 39: Gaadiidka, Gaadiidka hawada, Gaadiidka Wadada, Gaadiidka Badda, Ururinta, Xidhminta, Isugeynta, rarida, rarida, kaydinta, bakhaarka, gudbinta, gudbinta iyo nadiifinta adeegyada iyo dhammaan adeegyada kale ee ku xidhan ama ka hor taga xamuulka iyo / ama adeegyada gaadiidka; adeegyada dirista; adeegyada gaarsiinta iyo qaybinta; wakiilo gudbinaya; macluumaadka gaadiidka; baabuur, markab, weel iyo adeegyada kireynta diyaaradaha iyo kaydinta; adeegyada saadka ee duurka, rarida iyo keenida alaabada; adeegyada kirada garaashka; adeegyada booliska; adeegyada maaraynta maraakiibta; qabanqaabada safarka iyo adeegyada meelaynta, adeegyada wakaalada socdaalka.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAInBIDVEST INDUSTRIAL HOLDINGS (PTY) LTD ay sheegato dhammaan xuquuqaha sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharciyeed oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaadka lagu helo inuu isticmaalayo sumadda ganacsiga calaamadaha ah ama astaan ​​ganacsi oo kale oo khiyaanayn ah ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudba xuquuqdeeda



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip