Trump oo weerar culus ku qaaday Tedros Adhanom

0
Wednesday April 08, 2020 - 22:14:01 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo weerar culus ku qaaday Tedros Adhanom

    Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta. "Waxaa aad igaga yaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta. "Waxaa aad igaga yaabay inaan ogaaday ololaha dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah hoggaanka WHO," ayuu Moussa Faki Mahamat ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.
Trump oo weerar culus ku qaaday Tedros Adhanom
        "Ururka Midowga Africa wuxuu si buuxda u taageersan yahay WHO iyo Dr Tedros,” ayuu yiri Mahamat, isaga oo tixraacaya agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Ethiopia.

Isaga oo weriyayaasha la hadlaya ayaa Trump wuxuu Talaadadii sheegay in WHO "ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa "ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,”

       Mareykanka waa dalka maal-gelinta uga badan uu ka helo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Trump ayaa si gaar ah u cambaareeyey talada ay WHO kusoo jeedisay inaan la xadidin duulimaadyada caalamiga ah si loola tacaalo faafitaanka cudurka Coronavirus, oo kasoo billowday China.

Ayada oo uu sii xumaaday faafitaanka cudurka ee gudaha Mareykanka, ayaa China waxay dhalleeceyn xooggan kala kulantay xubnaha Jamhuuriga, oo ku saabsan sida ay ula tacaashay cudurka, waxaana Trump uu shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas.

Faki ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay isku xiraan jawaabahooda ka dhanka ah faafitaanka cudurka.

AFP + VOA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip