Bernie Sanders oo ka haray u tartanka Doorashado Madaxtinimo

0
Wednesday April 08, 2020 - 21:58:20 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bernie Sanders oo ka haray u tartanka Doorashado Madaxtinimo

    Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka. Go'aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka. Go'aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo musharaxa la baratami doona Madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 3-da bisha November ee sanadkan.
               "Waddada guushu waa mid aan macquul aheyn,” ayuu Sanders ku yiri khudbad dhanka internet si toos ah looga daawanayay oo uu ugu talogalay taageerayaashiisa isaga oo ku sugnaa magaalada Burlington, ee gobolka uu senate-ka ku matalo ee Vermont.

            "Waxaan ku soo gunaanaday in dagaalkan magacaabidda musharaxa xisbiga dimoqraadiga uusan noqoneynin mid guuleysta. Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan joojiyay ololahayga,” ayuu yiri.

            Sanders oo ah 78 jir isku tilmaama Dimuqraadi, hanti wadaag ah aya hogaaminayay codbixintii ugu horreeyey ee dhowr gobol oo Mareykanka ah ay ku dooranayeen musharaxa xisbiga Dimuqraadiga. Laakin waxa uu olohiisu galay xaalad quus ah markii uu ku guuldareystay gobolka South Carolina dhammaadkii bishii February xilligaas oo Dimuqraadiyiintu ay awooddooda isugu geeyeen taageerada Joe Biden.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip