Maxkamadda CQS oo amartay nolol & geeri in lagu keeno maleeshiyaadka Wanlaweyn dadka ku dilay

0
Wednesday April 08, 2020 - 20:14:39 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda CQS oo amartay nolol & geeri in lagu keeno maleeshiyaadka Wanlaweyn dadka ku dilay

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya ayaa amartay in la soo qabto maleeshiyaadkii dadka ku laayay Degmada Wanlwayn, waxaana la amray Ciidamasa nolol & geeri inay ku soo qabtaan maleeshiyaadkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya ayaa amartay in la soo qabto maleeshiyaadkii dadka ku laayay Degmada Wanlwayn, waxaana la amray Ciidamasa nolol & geeri inay ku soo qabtaan maleeshiyaadkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo shalay gaaray Degmada Wanlaweyn ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada Danab inay keenaan maleeshiyaadkii dadka ku laayay deegaankaasi.               Shuute ayaa sheegay amar maxkamadeed inay u haystaan Ciidanka inay nolosha dhaafiyaan qof kasta oo diidan nolosha & deganaanshaha dadka ku nool Degmada Wanlaweyn.

     Todobaadkaan gudihiisa Wanlaweyn waxaa ka dhacay falal ka baxsan Bini’aadinimada kadib markii dad nolosha lagu gubay, halka qaar kalena la gowracay sida Odayaasha deegaankaasi ay sheegeen.

        Labada maleeshiyo beeleed ee dhibaatada isugu gaysatay Degmada Wanlaweyn ayaa ka soo kala jeedaa laba qabiil oo deegaan ku wada ah Magaaladaasi.

Xigasho:dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip