Madaxweynaha Puntland oo ka mahadceliyay deeq caafimaad oo ka timid Imaaraadka Carabta

0
Wednesday April 08, 2020 - 20:08:41 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo ka mahadceliyay deeq caafimaad oo ka timid Imaaraadka Carabta

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasoo Imaaraadku ugu deeqay Puntland. Diyaarad siday agabka caafi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasoo Imaaraadku ugu deeqay Puntland. Diyaarad siday agabka caafimaad ayaa maanta ka degtay magaalada Boosaaso, waxaana la wareegay agabkaas Guddiga qaabilsan Ka hortagga Cudurka Coronavirus ee Puntland. "Waxaan uga mahadcelinaya Imaaraadka gargaarka bani'aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus"ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay sida xilligan adduunka dagaal ugu jiro COVID-19 ayaa sheegay in loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, isla markaana ay aad uga mahadcelinayaan Dowladda Imaaraadka in agabkan soo gaarsiisay xilli aad loogu baahan yahay. Imaaraadka ayaa saaka ka dejiyay magaalada Hargeysa Somaliland deeq caafimaad oo isugu jirtay qalabka looga hortago cudurka Coronavirus iyo agabka ay isticmaalaan shaqaalaha Daryeelka. Waa deeqdii labaad oo caafimaad oo Imaaraadka soo gaarsiiyaan Maamulada Puntland iyo Somaliland oo xiriir dhow ay la leeyihiin. Deeq caafimaad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip