Caruurtii Man United Ee Garaacay Gunners Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Wanaagsan Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska

0
Monday February 29, 2016 - 12:20:16 in Sports News by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caruurtii Man United Ee Garaacay Gunners Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Wanaagsan Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska

    Man United ayaa ku yeelatay shaxda kooxda isbuuca ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska xidigaha ugu badan kadib markii ay guul ka heleen Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford Axaddii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United ayaa ku yeelatay shaxda kooxda isbuuca ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska xidigaha ugu badan kadib markii ay guul ka heleen Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford Axaddii.

Shabakadda caalamiga ah ee Goal.com ayaa shaxda todobaadkaan kusoo daray daafaca da’da yar ee Red Devils Varela kaas oo kaalin weyn ka qaatay guushii ay kooxdiisa gaartay Axaddii isagoo qeyb weyn ku lahaa sadexdii gool ee kooxda.

Ivanovic

Sidoo kale Marcus Rashford ayaa si lama filaan ah laba gool mudo 3-daqiiqo ah uga dhaliyay Petr Cech wuxuuna muteystay in lagu soo daro shaxdan, halka Memphis Depay isna uu si fiican u ciyaaray.

Kooxda kaalinta labaad ee horyaalka Tottenham Hotspur ayaa ku yeelatay laba xidig waxaana laga soo qaatay dhaliyaha goolka ay guusha ku gaareen Axaddii ee Danny Rose iyo Eriksen, sidoo kalana Fabianski ayaa lagu amaanay inuu wax badan ka sameeyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Spurs.

Bransilav Ivanovic oo Chelsea guul uga hogaamiyay Southampton, weeraryahanka jooga dheer ee Stoke City Arnautovic, xidiga awooda leh ee Crystal Palace Wickham, daafaca Leicester City Morgan iyo xidiga dhexe ee West Brom Gardner ayaa buuxiyay shaxda todobaadkaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip