HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 8-4-2020

0
Wednesday April 08, 2020 - 09:47:57 in Wararka by
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 8-4-2020

    Dowladda oo Beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa beeni say warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Wasaaradda ay faragelis ay Khilaafka ka dhashay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda oo Beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa beeni say warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Wasaaradda ay faragelis ay Khilaafka ka dhashay xilka qaadistii lagu same eyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan. Wasaaradda Arrimaha Federaalka ay aa sheegtay in warkaas uu yahay mid abu ur ah oo aan waxba jirin, isla markaana aysan Wasaaradda faragelin ku sameeyn Khilaafka ka taagan M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan, kaasi oo ka dhashay xilka qaadistii Cali Muxumed Caraale. Saacadihii la soo dhaafay Shalay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay Qor aal lagu sheegayo inuu kasoo baxay Was aaradda Arrimaha Federaalka ayna jawa abtay Codsi uga yimid Cali Caraale oo ah in Khilaafka ka taagan Baladweyne lasoo farageliyo. Guddoomiyihiin G/Hiiraan Cali Caraale ayaa dorraad DFS ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyo Khilaaf ka Baladweyne, isagoo xiligaas tilmaamay in weerar ay kusoo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare
Dhaqtar Caan ah oo Xalay lagu dilay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Xalay gudaha Deggmada Yaaqshiid ee G/Banaadir waxaa ay ku dileen dhaqtar si weyn looga yaqaanay degmadaas.

Dilka loo geystay dhaqtarka ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ah ay sheegeen inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka hal ka loo yaqaano Suuqa Miijiska ee Yaaqsh iid, waxaana uu u geeridooday rasaas loo ga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr. Xasan Xaayow, isa goo daaweyn jiray Caruurta iyo dadka uu ku dhaco Cudurka Shuban biyoodka, wu xuuna Xarun Caafimaad ku lahaa Suuq bacaad.

Raggii ka dambeeyay dilka Dr. Xaayow ayaa goobta si Deg-deg ah uga baxsaday, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirs an kuwa Booliska Soomaaliya oo baaritaa nno kala duwan ka sameeyeen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dilka Dr Xasan Xaayow uu la xiriiro aano qabiil, in kastoo weli aan si rasmi ah loo xa qiijin.M/Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaa rkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo ge ysto dad shacab ah, Askarta Ciidanka do wladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dab xoogan oo ka kacay goobo Ganac si oo ku yaalla Muqdisho

Dab xooggan ayaa Shalayeyd waxaa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4 dhinaca wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Dabka marka hore uu ka bilowday kaalin lagu iibiyo Shidaalka, isla markaana uu kusii faafay goobo kale oo ganacsi iyo Maqaayado ka Agdhawaa Xarunta.

Sidoo kale goobaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ka socda dadaalo xoogan oo lagu deminayo dabkaas, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray aaga uu dabka ka kacay, iyagoona amniga sugaya, waxaana halkaas buux dhaafiyay boqolaal ruux oo shacab ah.

Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga arkayaa uuro Madow oo cirka isku shareertay, taas oo ka baxeysa goobta uu dabka ka kacay.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu tilaabo ka qaadayo saraakiisha fudu daysa in Qaadka lasoo galiyo Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa sheegay inuu tilaabo degdeg ah ka qaadidoono ciidamada iyo saraakii sha ku lugta leh in si qarsoodi ah Qaadka lagu soo galiyo gudaha Puntland, xilii uu maamulku mamnuucay.

Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadkii loo xilsaaray inay Qa adka la dagaalamaan isla iyagii ay ka sha qeynaaan in Qaadku lasoo galiyo, taasoo uu ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin oo ceeb ku ah maamulka.

"Waxaan halkaan farriin uga dirayaa cii damada Puntland oo dhaliil fara badan ay ka jirto ama inayan la dagaalamin Qaad ka. Puntland waxay sameynaysaa dabag al adag waxayna tilaabo degdeg ah ka qa adaysaa cidii fududaysay in Qaadku yim aado Puntland,” ayuu yidhi madaxweyna ha Puntland.Madaxweynuhu wuxuu tilmaa may in Qaadku yahay waxyaalaha sida fu dud usoo qaadi kara cudurka Coronavurus islamarkaana wuxuu shacabka ka ganac sada iyo kuwa cuna ku booriyay inay ka fekeraan caafimaadkooda iyo caafimaad ka bulshadooda.

Dhinaca kale, taliyaha ciiddanka bilays ka Puntland, Muxiyadiin Axmed Muuse, oo Habeen hore saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay qaadayaan tilaabooyin culus oo Qaadka lagula dagaaalamayo.

Axmed Karaash oo tababar u xiray Ciid amo ka hortega waxyaabaha Qarxa

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa taba bar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidama da ilaalada Madaxtooyada Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciida mada Madaxtooyada D/Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaa diyey Ciidamada loo tababaray Miino Baar ista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa iyo falalka argagixiso.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciida mada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka iyo Muuse Biixi oo kulan yeeshay

Madaxweynaha dowlad deegaanka So omaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cum ar Cagjar ayaa kulan Khadka telefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Khadka ee dhexmaray Must afe Cagjar iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duw an oo ay kamid yihiin xooj inta xiriirka ka dhexee ya 2da dhinac iy adkeeynta xuduu daha labada dhin ac si looga hortago faafida Coronavirus.

Sidoo kale Madaxweyneyaasha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Som aliland ayaa ka hadlay hadlay Arrimaha amniga, Arinta Samafale Cabdimalik Coldoon iyo sidii looga hortegi lahaa Cu durka Covid19.

"Waxaan xariir lasameeyay madaxway ne muuse biixi cabdi, waxaana kawada ha dalnay Arimaha Amniga iyo sidii LA-iskaga kaashan lahaa si looga hortago caabuqa Covid19, loona adkayn lahaa xuduudaha 2da dhinac si looga hortago faafida cudur ka, Waxaan sidoo kale madaxwaynaha ka wada hadalnay, Arinta Samafale Cabdimal ik Coldoon” ayuu yiri Musfate Cagjar.Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad deeg aanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Mux umed Cumar Cagjar ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah.


Shariif Sh.Axmed oo baaq u diray Madaxda Dowladda Somaliya

Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxda Dowladda Somaliya ugu baaqay in ay wax ka qab taan dagaal beeleedya da dalka ku soo laa-laab tay.

Hoggaamiyaha ayaa Madaxda Qaran ka ugu yeeray in ay qayb ka noqdaan da daal kasta, oo lagu baajin karo dagaal bee leedyada, oo sida uu sheegay dalka ku soo noq-noqday.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa beelaha isku haya D/Wanlaweyn iyo duleedka M/ismaayo u gu baaqay in si sharuud la’aan ahi dagaal ka ku joojiyan, isla-markaana ay ka wada hadlaan wixii tabasho ah ee jirta.

"Walaalaha Soomaaliyeed ee ku daga alamay deegaanada ka kala tirsan Maamu lada jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxa an ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kaste oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dham eeyo.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Sidoo kale Madaxda Maamulada Koonf ur Galbeed, Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ayuu ugu yeeray in ay ka shaq eeyan, sidii dagaaladaasi sokeeye loo joo jin lahaa.

Waxa kaloo uu Shariifku sheegay ka Madasha Xisbiyada Qaran ahaan in ay di yaar u yihiin inay kala shaqeeyan maamu ladaasi, sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedyada.

"Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa ma daxda, Odayaasha Dhaqanka iyo guud ah aan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaaggaan, sidii dagaaladaas ahliga loo jo ojin lahaa. anagana waxaan diyaar ula na hay inaan ka qayb qaadano oo aan gacan ka siino nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah.” Ayuu yiri Shariifka oo hadal kan ku sheegay war qoraala oo xafiiskiisa ka soo baxay.

Dagaaladan ayaa waxaa lagu dilay dad badan oo rayid ah, kuwaa oo aan qayb ka ahayn dagaalada, balse loo beegsaday maleeshiyo ku heyb ah oo hubka sidda.

Booliska Galmudug oo qaad ku gubay M/Caabudwaaq

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa Shalay goob fagaare ah ku gubay qaad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo M/Caa budwaaq ee G/Galgadu ud. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaadkaasi, isla-markaana ay ku gubaan goob fagaare ah. Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay shan qof iyo gaa diidkii lagu waday qaadkaasi.

Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha Boolis ka Caabudwaaq ayaa xaqiijiyay in shanta asi qof iyo gaadiidkii ay qaadka ku wad eenba ay ku jiraan gacanta hay’adaha ammaanka.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta ay aa xusay in ay jiraan dad kale oo ka baxs aday gacanta sharciga, balse sida uu sheegay ay ku daba jooggaan.

Waxaa uu ganacsatada uga digay in ay isku dayaan qaad ay keenaan M/Caab udwaaq, xilli sida uu qirayba uu qaadku mamnuuc yahay.

Taliyaha ayaa ugu dambeen sheegay illaa amar dambe oo ka soo baxaya D/F/ Somaliya, aan wax qaad ahi la keenin ka rin Caabudwaaq.

DFS ayaa si KMGah qaadka dalka uga mamnuucday, taa oo loo arkay in ay qayb ka noqon karto dadaalada lagu xakamey nayo faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Dowlad xireysa dadka aan afka iyo sanka xiran

Dowladda Morocco waxay sheegtay in shacabka dalkaas ee aanan xiran afka iyo sanka ay wajahi doonaan xabsi saddex bil ood ah ama in lagu ganaaxi doono inay bixiyaan 126 doolar.

Shalay ayuu sharcigan ka dhaqan gal ayaa Morocco, waxaa shacabka lagu am ray inay sanka iyo afka xirtaan si ay isaga ilaaliyaan cudurka Coronavirus.

Dowladda ayaa go’aankan ku dhawaa qday shaley kaddid markii ay qabatay shir looga arrinsanayay ka hortagga cudurka safmarka ah ee Covid-19, sida ay ku wa rrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Morrocco ayaa in muddo ku jirtay xaalad deg deg ah, waxaana dalkaas laga xaqiij iyay 1,120 qof oo uu ku dhacay Corona halka 80 qofna ay u dhinteen.

Wuxuu dalkan hiigsanaya in uu sare u qa ado wax saarka marada lagu xirta afka iyo sanka ee looga hortaggayo cudurka Coro na.

Ra’iisul Wasaaraha UK oo xaaladdiisa ay sii adkaatay iyo wararkii ugu dambeeyey

R/wasaaraha UK Boris Johnson ayaa weli ku sugan xaalad adag, isaga oo qey bta daryeelka deg degga ee isbitalka kula dagaalamaya cudurka Coronavirus, oo haleelay 10 maalmood ka hor.

Johnson ayaa qeybta daryeelka deg deg ga ee isbitalka la dhigay Axaddii, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu ark ayey astaamaha cudurka Coronavirus, si da qandho xooggan.

"Iminka aynu hadleyno, ra’iisul wasaara ha wuxuu ku sugan yahay xaalad deg deg ah, waxaana la-tacaalaya dhaqaatiirta, isa ga oo daryeelka ugu wanaagsan ka hel aya koox ku sugan isbitalka St Thomas. Rajadeena iyo ducadeena ayaa la jirta isa ga iyo qoyskiisa,” waxaa sidaas yiri Mich ael Gove, oo ah wasiirka xafiiska golaha wasiirada, oo la hadlay taleefishinka BBC.

"Waxaan dhammaanteyn rajeeneynaa in caafimaadkiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquuls an, taas waa waxa aan hadda ka fakarey no,” ayuu yiir.

Johnson ayaa 27-kii March ku dhow aaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wi xii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaa lad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

Johnson waa hoggaamiyaha ugu ma gaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafim aadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

REUTERS + AFP + VOA

Al-shabaab oo markale weerar Culus ku qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah

Wararka aan ka heleyno deegaan ku dhow D/Luuq ee G/Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee Dorraad halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Al-sha baab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid ka dib markii Al-shabaab ay qaraxyo lala ee gteen Kolonyo Ciidan Itoobiyaan ah oo so cdaal ku mararay inta u dhexeeysa Luuq Ganaane iyo degmada Dooloow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaatay saacado badan.

Dad ku sugan Doolow ayaa soo weriy ay in dagaalka u dhexeeyay labada dhinac la isku adeegsaday hubka noocyadiisa ka la duwan, isla markaana ay maqlayeen jug ta rasaas xoog leh.

Warar Al-shabaab ay ku qoreen bara hooda Internet-ka ayaa waxaan ay ku she egteen in dagaalkii ay la galeen Ciidanka Itoobiya uu qaatay saacado badan ayna Khasaaro badan ku gaarsiiyeen, In kastoo aysan shaacin tirada khasaaraha.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka itoo biya oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dha cay inta u dhexeeysa Luuq Ganaane iyo degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro toos ah todobaadyadii lasoo dhaafay Ciidamo ka tirsan Itoobiya kula ee gteen duleedka Degmada Luuq, iyagoo sheegtay inay ku dileen Askar ka tirsan Itoobiya.


Boqorkii Cuudka – Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo u geeriyooday Coronavirus

Boqorkii Cuudka – Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo u geeriyooday Coro navirus Fanaankii, abwaankii iyo Muusikiis tihii caanka ahaa ee Soomaaliya Axmed Ismaaciil Xuseen oo loo yaqaano Xudeydi, ayaa xalay ku geeriyooday M/London ee dalka UK, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa maalmihii dhowaa.

Xudeydi oo loo yaqaan "Boqorkii Cuud ka”, ayaa waxaa ku dhacay cudurka Coro navirus, oo muddo 7baadyo ah uu ugu jir ay isbital.

Xudeydi ayaa noqday qofkii 3aad oo ca an ah oo Soomaaliyeed oo Coronavirus u gu geeriyooda M/London ka dib Cabdulq aadir Maxamed Faarax Biriq, oo ahaa ciya artooy hore iyo tababare, iyo ra’iisul wasa arihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xus een Nuur Cadde.

Axmed Xudeydi, oo ku geeriyooday da ’da 92 jirka, ayaa waxaa uu ahaa rug-cad daa lagu qadariyo heesaha Cuudka ama kuwa kabanka oo muddo ka badan 70 sano uu ku jiray.

Sidoo kale Axmed Xudeydi ayaa qaa day heeso kala duwan, waxaana kamid ah heesta Uurkii Hooyo iyo kuwo kale oo aad u badan.

Xudeydi ayaa isaga oo 14 jir ah aabih iis wuxuu u kaxeeyey xaflad ka dhaceysay magaalada Cadan ee dalka Yemen, halka asi oo uu kula kulmay nin Carab ah oo ca yaaraya Cuudka, kana jeclaaday. Aabihiis ayuu ka codsaday inuu u iibiyo, wuxuuna ka diba sida loo cayaaro ka bartay Cabdull aahi Qorshe, wixii markaas ka dambeeyan a wuu garaacayey.

CC Shakuur oo dalab xasaasi ah hor-dhigay DF Soomaaliya

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaku ur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay ba rtiisa Face book-ga wu xuu uga had lay qodobo xasaasi ah, sida arrima ha Galmu dug, xaalad da maamul ka K/Galbed, gaar ahaan xariga Sh.Mukhtaar Roob ow Cali (Abuu Mans uur), heshiiska Axm ed Madoobe iyo muca aradkiisa.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdisha kuur ayaa boggaadiyey heshiiska ay gaar een madaxweynaha cusub ee dowlad gob oleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo madaxweynihii hore ee maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war-hayo heshiis haatan u socda madaxw eynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisa, isa goo sheegay inuu marayo heer gabagabo ah.Dhinaca kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo hadal qaaday xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowl adda.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa dowladda federaalka ka dalbaday inay sii deyso Roobow, si uu ula heshiiyo madaxw eynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gar een.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago colaadaha ka soo cusboonaaday magaalooyinka Kismaayo, Wanlawayn iyo Diinsoor, si xal loogu helo.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka siyaas iga:

Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug Md.Axmad Qo orqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Wax aan xog ku hayaa in heshiiska Madaxwe yne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan DFS ah ugu baaqayaa inay xabsiga ka sii day so Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha K/Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoo bo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.

Waxaan mar kale ku baaqayaa inaan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, D/Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena.

Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dab aysha Koroonana Fayrisna itaal uma hay nee naga badbaadi. Aamiin

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidam ada oo gaaray Wanlaweyn

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidama da qalabka sida ee Somaliya G/le Xasan Cali Nuur Shuute & Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Ciidamada ayaa gaaray D/Wanlaweyn ee G/Shabellaha hoose.

Wanlaweyn waxaa horay u gaaray Ci idamada Danab ee Xoogga dalka Somali ya, kuwaasi oo sugaayay ammaanka Ma gaaladaasi, kalana dhex galay beelihii dag aalamaayay.

Ujeedada wafdigan ay u gaareen M/ Wanlaweyn ayaa waxa ay tahay sidii loo dabageli lahaa falal tacadi ah oo ka dha cay D/Wanlaweyn oo ay gaysteen kooxo hubaysan oo aano qabiil ka duulaya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baraha Bulshada lagu faafinaayay Falal argagax leh oo laga soo duubay tuulooyin hoostag ga D/Wanlaweyn, waxaana muuqaalo la gu arkaayay shaqsiyaad la gubaayay. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya oo qaada kiisaska Ciidamada la xiriira ayaa lagu wadaa inay soo dhagey sto fal dambiyeedyada ka dhacay Wanlaw eyn, kadibna maxkamadda dad ay u soo qabato.

Kenya oo shaacisay in dad qaba Coro na irus Shalay lagu arkay magaalada Mandheera

Wasiirka caafimaadka dalka Kenya ayaa Shalay xaqiijiyey in 2 qof oo ku no ol M/Mandheera ee G/W/Bari ee Kenya uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

2dan qof ayaa la sheegay inay kasoo safr een M/Mombasa ee ku taalla Gobolka xe ebta ah ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 14 qof oo hor leh uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas. Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka COV ID-19 gudaha dalka Kenya waxay gaaraya an 172 qof, sida lagu sheegay tira koobka wasaaradda caafimaad ka Kenya.

Kumuu ahaa Yuusuf Jiis – Sarkaalka Mareykanka ay shaaciyeen inay dileen?

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan mal eshiyada Al-Shabaab. Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku she egay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaam ay inuu ka mid ahaa dadka laf dhabarta u ah kooxda, isla markaana uu ahaa nin ar xan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka.

Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yiri " Yuusuf Jiis waxa xuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa arg agixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan, arxan darran, kana mas’ uul ah in dad badan oo aan waxba galabs an ay noloshooda waayaan. Dilkiisa wuxu u Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhi gayaa kuwa ka nabdoon sidii hore.”

Idaacadda VOA Somali oo la xiriirtay saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay inuu Yuusuf Jiis uu xarakada horey ugu qaabil sanaa dabagalka hay’adaha gargaarka, ku wa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Yuusuf Jiis ayaa magaciisa oo buuxa lagu sheegay Yusuf Nuur Sheekh Xasan, wax aa sidoo kale uu isticmaali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bashar iyo Macalin Sahal.

Waxa la sheegay inuu beryihii u dambe eyey uu Shabaab kala shaqaynayey dhin aca Xisbada (Booliis) iska markaana dho waan lagu daray Shuurada.

Saraakiisha Soomaalidu waxay sheege en in duqayntaas ay ku dhinteen saddex qof, waxay intaas ku dareen in ragga la dil ay uu ka mid ahaa Yoonis Sheekh Daahir oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka ee xarakada. Qofka saddexaad ayaan weli la xaqiijin. Isla Shalay ayaa Maraykanku sheeg ay In duqayn ka dhacday Jilib lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Isha: VOA Somali


Wararkii ugu dambeeyay fadeexada mu suq maasuq ee hareeyay Wasaarad da Caafimaadka

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay fadeexad musuq maasuq oo ha reeyay wasaaradda Caafimaadka Xukuu madda Soomaaliya, taasoo keentay in la xiro Agaasimihii Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maa liyadda ayaa waxaa laga yaabaa in fade xadaas musuq maasuq lugaha la gasho Mas’uuliyiin hor leh.

Fadeexadan ayaa soo baxday 4-tii bi shan markii Ciidamada Booliska ay xireen Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Maxamed Buule, kaasoo lagu soo eedeeyay arrimo ku aadan musuq ma asuq iyo lacago la lunsaday.

Sidoo kale maalintii Dorraad oo taariikh da ku beegneyd 6 April Ciidamada Booli ska ayaa xafiiskiisa ka kaxeystay Agaasi mihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka C/llaahi Xaashi Cali, kaasoo isna la sheeg ay inuu soo galay kiiska musuq maasuqa ee loo xiray Agaasimihii Waaxda Maamul ka iyo Maaliyadda Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar oo ka hadashay xariga Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa sheegtay in aanay wax ka ogeyn xarigga agaasimaha, balse uu socdo baaritaan, kalana shaqeynayaan arrintan Hanti dho wrka Guud iyo xeer Ilaalinta.

Baaritaanka Kiiska Musuq maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ba araya Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Bo oliska CID, waxaana la baarayaa dhaqaa le la lunsaday oo ka mid ah lacag loogu ta la galay dhismaha Machadka C/fimaadka

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in markii su’aalo laga weydiiyay arrintan musuq maasuqa agaasimiha Waaxda Ma amulka iyo Maaliyadda Wasaaradda uu sheegay inay kula jiraan Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa baaritaanka uu saam eyn doonaa Qandaraas ku saabsan Kiiska Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar oo ay dhowaan maamush ay W/Maaliyadda XFS, kaasoo la siiyey qa ndaraasle Soomaali ah bishii hore, iyadoo aanu quseyn kiisaska loo xiray 2da aaga asime.

XS ayaa inta badan kiiska musuqa ah ee mas’uuliyiinteeda ay ku dham maadaan xal hoose iyo culeys beeleed oo keena in mar ka danbe lasii daayo mas’ uuliyiintaasi.

XIGASHO:JOWHAR.COM

Madaxtooyada Puntland oo beenisey warar laga faafiyey

2dii maalmood ee la soo dhaafay wax aa Baraha Bulshada ay isticmaasho lagu faafinayey warar ku saabsan in Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni iyo kuxigeenkiisa isku ay isku khilaafeen Is ku-Shaaandheyn lagu sameeynayo Golihi isa Wasiirada Puntland,hayeeshee Wark aasi waxaa beenisey Madaxtooyada Punt land.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axm ed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in maalmahaaan uu maqlayey in khilaaf xo ogan uu soo kala dhex-galay isaga iyo Ma daxweyne Deni,hayeeshee uu sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Puntl and aysan dhageysan ama akhrisan dad ka waxyaabaah qaar sheeg sheegaya,isla markaana qofkii lagu arko lagu ganaa xo.balse uu sheegay haddii ay dhacdo ay khilaafkooda xalisan doonaan.

Axmed Cimi Cismaan Karaash Madaxw eyne kuxigeenka Puntland ayaa ka gabs adey ka hadlida wararka sheegaya in Mad axweynaha Puntland uu isku shaandhey ku sameynayo Golihiisa Wasiirada.

Axmed Karaash oo kulan la qaatey Guddi gurmad ka Shaqeeya

Madaxweyne Ku-xigeenka Mamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay Gu ddiga Gu rmad ka ee Gobolka ay Puntland u ta qaano Gadafuu.

Md. Axmed Karaash, ayaa kulankan warbi xin uga dhegaystay Guddiga Gurmadka ee G/Gadafuu, isagoo la wada agay halka ay wax u marayaan iyo sida uu u socdo, Qorshaha loogu gurmanayo G/Gardafuu oo ay saameyn xooggan ku yeesheen Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Axmed Karaash ayaa bogaadi yay Sha qada socota iyo dadaalka loogu gurmana yo Gobolka Gardafuu.

Dowladda oo ku dhawaaqday Kiis cusub oo Corona virus ah

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Shalay ku dhawaaq day in Kiiskii 8-aad ee Corona Virus ah laga he lay M/Mu qdisho.War ka soo baxay Wasaar adda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ruuxa uu degaan ku yahay Muqdisho, isla marka ana uusan ka imaan dalka dib adiisa.

Warka Wasaaradda ayaa siddaan u qorn aa:

Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’d iisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8

Tirada bogsashada : 1

Tirada dhimashada : 0

Ciidamo la kala dhex-dhigey maleeshiy aad dagaalamey

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soo maaliya oo isugu jira Boolis,Nabadsugida iyo Millateri ayaa waxaa ay gareen deega anka Bali-Cadde oo maalmihii la soo dha afay ay ku dagaalamayeen laba male eshiyo Beeleed.

Taliyaha Nabad Sugida Qeybta Galmu dug Mahdi Cumar Muumin oo hogaamin ayo Ciidanka ayaa sheegay inay kala dhex-galeen labada maleeshiyo beeleed ee waa dagaalamey,isla markaana xaala da ay tahay mid degan.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheeg ay inay xaqiijiyeen amniga deegaannada lagu dagaalamey,isla markaana dhawaan la bilaabi doono wada-hadallo lagu xalina yo maleeshiyaadka dagaalamey.

Galmudug oo saartay Go’aamo ku saab san ka hortagga Covid 19

Gudiga ka hortaga Caabuqa Covid 19ee degaanada Galmudug ayaa Shalay kulan ku yeeshay M/Dhuusamare eb.

Guddiggaan ayaa waxaa ay saareen qodobo ay ka mid yihiin in la xiray Xuduudaha Galmudug, sidoo kalena in la joojiyay Kula mada dadweynaha.

Gudigaan oo heer maamul Gobaleed ah oo ka kooban 11 xumnood oo uu dhaw aan magacaabay madaxweyne ku xigeen ka DGGM, Md,Cali Ciid ayaa soo bandhi gay Qorshah gudigu uga Hortagayo Caab uqa Covid 19.


Coronavirus: "Waxaan qabri u sii diyaarinayaa dadkii oo nool"

Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona ay u dhintaan dad cusub oo isbitaalada u jiifa qeybta xaaladaha deg dega ah.

Clive Kalber waxay kanisadda pa rish ee ku talla Cornwall ka codsaday inuu qodo qabriyo dheeri ah oo lagu aaso dad ka u dhimanaya Coronavirus.

"Waa shaqo ay tahay inaan samey no, waxaa nasiib darro ah in tan ay tahay xaaladda dhabta ah ee hadda aan ku jirno," ayuu yiri Mr Clive Kalber.

Guud aha-an, Britain wax-ay isu diya ari neysaa latac-aalidda haddii xaaladda ay sii xumaato iyadoo tirada dadka uu ku dhac ay cudurka ay mareyso ku dhowaad 53 kun, halka 5385 qof ay fayraska u dhint een.

"Waxaan qodaa qubuuraha, waxaana sidoo kale dayactir ku sameeyaa qabriya da, qof walbo uma sahlana, waxay ila tah ay inay dadka qaar moodayaan inay la ku lmi donaan waxaysan filaneynin, taasi aad ayey u walbahaar badantahay, ma jecli in ay ku fikiraan khabri, ma aysanna jeclaan lahayn inaay xita qodaan, balse aniga, cu leys igu ma hayso qodidda qabriyada.''

Clive Kalber wuxuu diyaarinayaa 4 qab ri oo dheeri ah, oo lagu tallo galay in had dii ay dhintaan lagu aaso dadka la xanuun san fayraska corona ee hadda isbitaalada ku jira.

"Runtii dad badan ayaa isku diyaarina ya oo qodayo qabriyo dheeri ah, iyo qabu uro haddii loo baahdo lagu xabaali karo dad badan, waxaan mar walbo xaqiijiyaa inay wax walba diyaar yihiin. Waa mid ka mid ah waxyabaha aad isku dayi karto in aad si wanaagsan ugu hagaajiso qoysas ka dadka ay ka geeriyoonayaan, xushmad ayey ii tahay", Ayuu yiri Mr Clive Kalber.

Clive Kalber ayaa sheegay inaysan wa ligiis dhicin inuu sii qodo qabri qofkii lagu duugi lahaa uu weli noolyahay.

"Waligey arrintan maanan sameynin, dhabtii waa wax xanuun badan, in qabri aad u sii qodid dad aanan weli dhimanin. Waxay ka mid tahay dhacdooyiinka xanu unka badan ee dhacay waqtiga lagu jiro xaaladda adag, waxaan rajeynayaa inaan qabriyadan aanan isticmaalin oo dadku ay iska nooladaan''.

UK ayaa la tacaaleysa cudurka Covid-19. Raisul wasaaraha dalkaasina, Boris Jo hnson ayaa la seexiyay isbitaal ka dib markii xaaladdiisa ay sii adkaatay.

Horay ayuu Rai'sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ugu sheegay warbaahinta, inuusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu Britain cudurka ku sii faafayay, wuxuu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu ga canta dhaqdo.

Cudurka saf-marka ee Corona ayaa do wladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaa yeen faafidiisa.

Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay in ka badan 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhint een in ka badan 74,000 qof, guud ahaan caalamka.

QIIMAYN: 4-ta Kooxood Ee Kaliya Ee Awood Buuxda U Leh Inay Barcelona Ka Kaxaystaan Lionel Messi Oo Qiim ayn Lagu Sameeyay.

Wargeyska Rai Talyaani gaar ahaan M/Milan ee Gazzetta dello Sport ayaa sa meyay qiimayn xilli uu shaaca ka qaaday tiraba afar kooxood oo uu u arko kuwo kaliya ee Barcelona ka kaxaysan kara ka btanka kooxdeeda ee Lionel Messi.

Dorraad ayay ahayd markii madax weyni hii hore ee kooxda Inter Milan ee Massimo Morratti uu dib usoo nooleeyay riyadii koo xdaas ee ahayd inay mar uun la saxeex ayo Messi isagoo sheegay in Leo uusan ahayn riyo mamnuuc ka ah Inter.

Messi ayaa haatan xaalad yar adag ka ga jira dhinaca Barcelona isagoo xidhiidh aan fiicnayn la leh madaxweyne Florentino Perez kaddib murankii ka dhashay arri mihii mushahar dhimista ee kooxdaas.

Dhinaca kale waxa meesha yaala qodd obka waalida ah ee ku xidhan qandaraas ka Messi ee ah inuu dhammaadka xilli ciyaareed kasta iskaga tagi karayo Barca haddiiba uusan dareemayn farxad.

Si kastaba, Gazzetta dello Sport oo qiimayntiisa sameeyay kuna saleeyay kooxaha awooda lacag ahaan inay la saxeexdaan iyo waliba kooxaha sababaha xifaaltan u diidayo saxeexa Messi ayaa aa minsan in afarta kooxood ee kala ah Inter Milan, Man City, Juventus iyo PSG ay yihi in kuwa awooda u leh saxeexiisa.

Xiddigan lixda jeer kusoo guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa 718 kulan u soo ciyaaray Barcelona tartamada oo dhan isagoo 627 gool soo dhaliyay isla markaana 261 kale caawiye kasoo noqday

Madax kala duwan oo shalay saxiixday Buugga Tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.

Wali waxaa socoto tacsida hour-dhaca ah ee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuun Nuur Xasan Xuseen ” Nuur Cadde ”

Wasiirka Howlaha Guud Abdi Adan Hoosow ayaa sheegay inuu Alle ka bary-aayo inuu u Naxariisto Mudane Nuur Cad-de,isagoo sheegay inuu ahaa Muwaadin Soomaalyeed oo ka shqeeyay in dalkaan nabad ka dhalato.

Xildhibaan Faarax sheekh Cabdul-qaadir oo isna sheegay inuu rajaynaayo inuu Alle ka waraabiyo Janatu Fardo-wsana geliyo Ra’iisul Wasaarihii Hore mdane Nuur Cadde.

"wuxuu ahaa Siyaasi Nabadda ka shaqeeya oo ay dadkiisu jecel yihiin, wa-ana nin ka shqeeyay in la wadahadlo oo khilaaf kasta lagu dhameeyo si nabdoon” ayuu yiri Xildhibaan Faarax sheekh Ca-bdulqaadir.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Jeneraal Hassan Moh-amed Hussein ” Muungaab ” ayaa ka mid ahaa dadkii shalay saxiixay Buugga Tac-sida Ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde.

"Wuxuu ahaa Nuur Cadde Alle ha u naxariistee halyeey mar walba ka sh-aqeeya Nabadda, wuxuuna ahaa siyaasi Dulmi diid ah” ayuu yiri Gudoomiyaha Xis-biga Cadaalada iyo Horumarka Jen.H-assan Mohamed Hussein Muungaab.

Dhanka kale madaxda Buugga Tacsida saxiixday waxaa ka mid ahaa Xo-g-hayaha diiwaan gelinta Xisbiga UPD SH. Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaan Mohamud Hussein Moge ” Kabtan Mooge ” iyo Madaxa Warbaahinta Ha’ada SO-YDEN Abdirahman Elmi Hadafow

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Beesha Caalamka oo kulan yeeshay

Guddiga Madaxa-bannaan ee Do-orashooyinka Qaranka iyo Wakiilada Bee-sha Caalamka ayaa iyag oo ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo me-elo kale waxaa ay yeesheen kulan Muu-qaal ah oo looga hadlay Arrimo ku aadan Doorashooyinka sanadka 2020/21.

Guddiga Doorashada iyo Wakiilada Beesha ee Soomaaliya ayaa si gaar ah u-ga wada hadlay diyaar garowga loogu jiro in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah dhammaadka sa-nadkan.

Sidoo kale Guddiga Madaxa-ban-naan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Wa-kiilada ayaa ka hadlay sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafya Caalamka oo dhan.

Kulanka ayaa waxaa Guddiga uga qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Xali-imo Ismaaciil Xaliimo Yarey, xubno ka tirsan kale oo ka tirsan Guddiga Doora-shooyinka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip