Xudaydi Macalinkii Heesaha Cuudka oo u dhintay Coronavirus

0
Wednesday April 08, 2020 - 08:03:13 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xudaydi Macalinkii Heesaha Cuudka oo u dhintay Coronavirus

    Waxaa dalka Britain ku geeriyooday fannaanka weyn ee Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo uu ku dhacay cudurka Corona Virus,isaga oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray cisbitaal ku yaalla magaalada London. Xudeydi ayaa da'diisu waxaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dalka Britain ku geeriyooday fannaanka weyn ee Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo uu ku dhacay cudurka Corona Virus,isaga oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray cisbitaal ku yaalla magaalada London. Xudeydi ayaa da'diisu waxaa lagu sheegay 92 jir,isaga oo sanadihii ugu dambeeyey ku noolaa Magaalada london ee wadanka Ingiriiska.

    Xudaydi waxa uu dhashay, Sanadkii 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.

Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip