Dab xoogan oo ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Muqdisho

0
Tuesday April 07, 2020 - 19:46:04 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab xoogan oo ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Muqdisho

    Dab xoogan oo Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayo uuro Madow oo cirka isku shareertay, taas oo ka baxeysa goobta uu dabka ka kacay Goordhaweyd Dabka ayaa waxaa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan oo Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayo uuro Madow oo cirka isku shareertay, taas oo ka baxeysa goobta uu dabka ka kacay Goordhaweyd Dabka ayaa waxaa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4 dhinaca waddada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

hase yeeshee Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in Dabka marka hore uu ka bilowday kaalin lagu iibiyo Shidaalka, isla markaana uu ku sii faafay goobo kale oo ganacsi iyo Maqaayado ka Ag dhawaa XaruntaShidaal.

     Sidoo kale goobaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ka socda dadaallo xooggan oo lagu deminaayo dabkaasi, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

       Ciidammo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray aagga uu dabka ka kacay iyo agagaarihiisa , iyagoona amniga sugaya, waxaana halkaas soo  buux dhaafiyay boqolaal ruux oo shacab ah.

wixii war ah ee ku soo kordha kala socda wararakeena danbe insha allaah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip