Ra'iisul Wasaaraha UK oo xaaladdiisa ay sii adkaatay iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Tuesday April 07, 2020 - 19:36:06 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha UK oo xaaladdiisa ay sii adkaatay iyo wararkii ugu dambeeyey

    Ra'iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa weli ku sugan xaalad adag, isaga oo qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka kula dagaalamaya cudurka Coronavirus, oo haleelay 10 maalmood ka hor. Johnson ayaa qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa weli ku sugan xaalad adag, isaga oo qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka kula dagaalamaya cudurka Coronavirus, oo haleelay 10 maalmood ka hor. Johnson ayaa qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka la dhigay Axaddii, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cudurka Coronavirus, sida qandho xooggan.
"Iminka aynu hadleyno, ra’iisul wasaaraha wuxuu ku sugan yahay xaalad deg deg ah, waxaana la-tacaalaya dhaqaatiirta, isaga oo daryeelka ugu wanaagsan ka helaya koox ku sugan isbitalka St Thomas. Rajadeena iyo ducadeena ayaa la jirta isaga iyo qoyskiisa,” waxaa sidaas yiri Michael Gove, oo ah wasiirka xafiiska golaha wasiirada, oo la hadlay taleefishinka BBC.

"Waxaan dhammaanteyn rajeeneynaa in caafimaadkiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan, taas waa waxa aan hadda ka fakareyno,” ayuu yiir.

Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

REUTERS + AFP + VOA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip