C/raxmaan C/Shakuur oo DFS ugu baaqay inay sii deyso Mukhtaar Roobow

0
Tuesday April 07, 2020 - 19:22:41 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan C/Shakuur oo DFS ugu baaqay inay sii deyso Mukhtaar Roobow

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahan Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay dib u heshiisiinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka wado deegaanada Galmudug. Qoraal soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahan Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay dib u heshiisiinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka wado deegaanada Galmudug. Qoraal soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku bogaadiyay daddaalka uu Madaxweyne Qoorqoor kula heshiiyay dadkii kasoo horjeeday Doorashadii uu kusoo baxay ee uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Ducaalle Xaaf. Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay inuu xog badan ka haayo heshiiska hordhaca ah oo ay gaareen dhinacyada isku haaya Siyaasadda Jubbaland ee Madaxweyne Axmed Madoobe, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seerar. Dhinaca kale Hoggaamiyaha Xisbiya wadajir ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay xabsiga kasii deyso Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur si loo gaaro heshiis dhexmara Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha Muraacadkiisa.
 Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur.

Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.

Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena.

Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip