Madaxweynaha Dowlad deegaanka iyo Muuse Biixi oo kulan yeeshay

0
Tuesday April 07, 2020 - 19:13:14 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dowlad deegaanka iyo Muuse Biixi oo kulan yeeshay

    Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa kulan Khadka telefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulanka Khadka ee dhexmaray Mustafe Cagjar iyo Madaxweyne Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa kulan Khadka telefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulanka Khadka ee dhexmaray Mustafe Cagjar iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iy adkeeynta xuduudaha labada dhinac si looga hortago faafida Coronavirus.
             Sidoo kale Madaxweyneyaasha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland ayaa ka hadlay hadlay Arrimaha amniga, Arinta Samafale Cabdimalik Coldoon iyo sidii looga hortegi lahaa Cudurka Covid19.

                "Waxaan xariir lasameeyay madaxwayne muuse biixi cabdi, waxaana kawada hadalnay Arimaha Amniga iyo sidii LA-iskaga kaashan lahaa si looga hortago caabuqa Covid19, loona adkayn lahaa xuduudaha labada dhinac si looga hortago faafida cudurka, Waxaan sidoo kale madaxwaynaha kawada hadalnay, Arinta Samafale Cabdimalik Coldoon” ayuu yiri Musfate Cagjar.

              Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah.

          



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip