Dowladda oo Beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

0
Tuesday April 07, 2020 - 19:02:27 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

    Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Wasaaradda ay faragelisay Khilaafka ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Wasaaradda ay faragelisay Khilaafka ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

                           Wasaaradda Arrimaha Federaalka ayaa sheegtay in warkaas uu yahay mid abuur ah oo aan waxba jirin, isla markaana aysan Wasaaradda faragelin ku sameeyn Khilaafka ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo ka dhashay xilka qaadistii Cali Muxumed Caraale.

               Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay Qoraal lagu sheegayo inuu kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Federaalka ayna jawaabtay Codsi uga yimid Cali Caraale oo ah in Khilaafka ka taagan Baladweyne lasoo farageliyo.

          Guddoomiyihiin Gobolka Hiiraan Cali Caraale ayaa dorraad dowladda Federaalka ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyo Khilaafka Baladweyne, isagoo xiligaas tilmaamay in weerar ay kusoo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip