Mareykanka oo shaaciyey in sarkaal ka tirsanaa aas-aasayaasha Al-Shabaab uu ku dilay G/Bay

0
Tuesday April 07, 2020 - 18:58:27 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo shaaciyey in sarkaal ka tirsanaa aas-aasayaasha Al-Shabaab uu ku dilay G/Bay

    Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay in duqayn ay 2-dii bishan April ka fuliyeen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab. War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Maraykanku waxaa lagu sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay in duqayn ay 2-dii bishan April ka fuliyeen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab. War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Maraykanku waxaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay nin lagu magacaabo Yuusuf Jiis, oo xubin firfircoon ka ahaa gudaha Al-Shabaab. Maraykanka ayaa sidoo kale ninkaas ku tilmaamay in uu ka mid ahaa aas-aasyaasha kooxda, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas'uul ka ah gumaadka shacab badan. "Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas'uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon," waxaa sidaas yiri Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend. Bayaan hore oo Sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah, sida xilligas lagu yiri warbixinta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip