Booliska Galmudug oo qaad ku gubay Magaalada Caabudwaaq (SAWIRRO)

0
Tuesday April 07, 2020 - 18:56:17 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Galmudug oo qaad ku gubay Magaalada Caabudwaaq (SAWIRRO)

    Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay qaad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo Magaaalda Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaadkaasi, isla-markaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay qaad la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo Magaaalda Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaadkaasi, isla-markaana ay ku gubaan goob fagaare ah. Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay shan qof iyo gaadiidkii lagu waday qaadkaasi. Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha Booliska Caabudwaaq ayaa xaqiijiyay in shantaasi qof iyo gaadiidkii ay qaadka ku wadeenba ay ku jiraan gacanta hay’adaha ammaanka.

      Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in ay jiraan dad kale oo ka baxsaday gacanta sharciga, balse sida uu sheegay ay ku daba jooggaan.

       Waxaa uu ganacsatada uga digay inay isku dayaan qaad ay keenaan Magaalada Caabudwaaq, xilli sida uu qirayba uu qaadku mamnuuc yahay.

Taliyaha ayaa ugu dambeen sheegay illaa amar dambe oo ka soo baxaya Dowladda Federaalka Somaliya, aan wax qaad ahi la keenin karin Caabudwaaq.

     Dowladda Federaalka ayaa si ku-meel-gaar ah qaadka dalka uga mamnuucday, taa oo loo arkay in ay qayb ka noqon karto dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka Coronavirus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip